Hargeysa (Hargeisa Press)- Dallada Nagaad oo kaashanaysa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland iyo Femnet Secretariat, ayaa maanta Magaaladda Hargeysa ku qabatay kulan deegaannada Awbarkhadle iyo Malowle, loogu sameeyay qorshaha la qabsiga isbeddelka cimilada.
Kulanka waxa ka soo qaybgalay, hoggaanka Dallada Nagaad, xubno ka socday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, khubaro ka socda Jaamacaddaha dalka, Xoghayaha guddida khayraadka deegaanka iyo isbeddelka cimilada, Bulshada deegaannada Awbarkhadle iyo Malowle.
Waxaa kulanka si qotodheer loogu fallaanqeeyay baahiyaha ay deegaanadaasi qabaan, sida looga bixi karo iyo muddada lagaga bixi karo.
Qorshahan la qabsiga isbeddelka cimilada oo la hirgeliyay sannadkii 2024-kii, ayaa waxaa sameeeyay Dallada Nagaad oo kaashanaysa Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka cimilada Somaliland.
Kulanka, ayaa waxaa la iskula qaatay qorshe deegaanadaas ka caawin doona wax ka qabashada isbeddelka cimilada.