Dallada Nagaad oo kulan u qabatay Haweenka xisbiyada iyo urrurada

0
865

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dalladda isku xidhka Haweenka Somaliland ee Nagaad, ayaa waxay kulan u qabatay haweenka saddexda xisbi qaran iyo toddobada urur siyaasadeed oo ay ku jiraan garabyada haweenku.

Dallada Nagaad, ayaa dhinacyada ku tababaraysay sidii loo yarayn lahaa tacaddiyadda ka dhanka ah haweenka xilliyada doorashada iyo doorashada kaddib, iyo hanaanka shaqo ee xarunta la socodka tacaddiyada ka dhanka haweenka.

Waxaa ka qayb galay xubno ka socday ururadda maxaliga ah iyo qaar ka socday hay’addaha caalamiga ah iyo haweenka saddexda xisbi qaran iyo toddobada urur siyaasadeed.

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah oo la soo xidhay, waxaa furay Guddoomiyaha Dalladda ururada aan dowliga ahayn ee SONSAF Anwar Cabdiraxmaan Warsame.

Agaasimaha fulinta Dalladda Nagaad Nafiisa Yuusuf Maxamed, ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay ujeedada kullanka iyo waxaa la iskula qaatay muddadii kulanku socday.

Sidoo kale, waxaa iyaguna hadalka iska daba qaatay masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah iyo Haweenka ka socday saddexda xisbi qaran iyo toddobada urur siyaasadeed.

Waxaanay balan qaadeen inay xaruntan la shaqayan doonaan isla-markaana ay qaadi doonan fariintan nabad ku codaynta doorashadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here