“Dadweynaha Sool way u heelan yihiin lacagta Somaliland in la”…

0
480

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa sheegay in deegaamo ka tirsan gobolkaasi ay markii u horaysay ka qabsoontay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee dhawaan dalka laga hirgeliyay.

Deegaamadaasi oo uu tilmaamay in wakhtiyadii hore aanay ka dhici jirin doorashooyinkii kala duwanaa ee Somaliland ka qabsoomay, isla markaana ay dadweynaha gobolkaasi si weyn isku diiwaangeliyaan

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo maanta warbaahinta dawladda kula hadlay magaaladda Hargaysa oo uu hawlo shaqo u joogo ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha gobolka Sool in ay si wanaagsan uga qayb qaataan qaadashadda kaadhka codbixinta.

Geesta kale badhasaabka Sool waxa uu sheegay in guud ahaanba bulshadda gobolkaasi ay baahi weyn u qabaan sidii loo soo gaadhsiin lahaa isticmaalka lacagta shillinka Somaliland.

Waxaanu xusay in waayadan danbe ay magaaladda Laascaanood dhibaatooyin sicir barar ka abuurtay lacagta Soomaaliga oo laga isticmaalo, hase yeeshee ay bulshadu baahi weyn u qabaan heli taanka lacagta Somaliland.

DAAWO: BADHASAABKA OO ARRIMAHAAS KA HADLAYA:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here