Dadwaynaha Reer Burco Oo Deeq Lacageed Ku Wareejiyey Gudiga Abaaraha Ee Gobalka Gabiley

0
1056
Gobolka Gabiley

GABILEY , (HargeisaPress) —Intii dalka iyo dadkuba ay ku jireen abaaro baahsan oo guud ahaan ka dhacay gobalada kala duwan ee Somaliland isagoo madaxwaynaha qaranka s/land uu sameeyey gudiga abaaraha oo heer qaran ah oo ka qayb qaata abaaraha isagoo gobalksataana uleeyahay gudi abaaraha oo lagusoo hagaajiyo deeqaha ay dadka qurbajooga ahi ay usoo dirayaan dadkooda ay abaaruhu halelen isla markaana dhinacooda ka qayb qaadanay wixii baahi ee jirta isla markaana xaaladahasi kala socda warbaahinta kala duwan  ee dalku leeyahay.

 

Hadaba deeqdani way ka duwantahay kuwii qurbajoogtu kusoo hagajinayaan gudiga abaaraha ee gobalka gabiley dadwaynaha reer burco  ayaa iyuguna soo gaadhsiiyey gudiga abaaraha gobalka unasoo dhiibey badhasaabka oo ah shaqsi hawlkarimo dheerad ahi ka muuqato isla markaana udadaalaya tuuloyinka iyo deegamada abaaraha baahsani ka jiraan iyadoo dalkuna ay ka bilaabantey qaadashada kaadhka codaynta hadaba badhasaabka gobalka gabiley ayaa saaka deeq lacageed oo dhan 5000$ ku wareejiyey gudiga abaaraha ee gobalkani isagoo umahadnaqay dadwaynaha iyo ganacsatada reer burco oo iska xilsaarey iney wax kala qabtaan dadka abaaruhu haleelen ee reer gabiley iyagoo horena usooo gaadhsiyey caws ay quutan xoolaha aabaruhu haleelen.

 

Hadaba madashan waxa kazoo qayb galey  maayar gabiley maxamed aamin cumar cabdi iyo badhsaaabka kuxigeen oo iyuguna umahadnaqey badhsaabka iyo dadwaynaha reer burco oo aanay markii ugu horaysay oo ay walaloohada reer gabiley hoo iyo hiilba la agtaanyihiin sidoo kale waxay mahadnaq ujeedinayeen badhsaaabka iyo ku tilmaamay shaqsi dhiranaan iyo hawlkarnimo ka muuqato oo udadaalaya gobalkani uu masuulka ka yahay intaa ka dib waxa isugna ka haley badhasaabka kuxigeenka ooo aad amaanay hawsha ku dayashada mudan isla markaan ugu baaqey caasimada hargaysa iyo ganacsatada iney iyguna ka qayb qaatan wixii ku tari karaaan walaloohada reer gabiley sidoo kale wuxuu tilmaamay iney dadwaynaha reer burco mudanyihiin in la xuso taariikda ayaana sheegi doona.

 

Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley

Email:  wacay28@hotmail.Com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here