Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya, kaasi oo uu ku sheegay in dadka reer Laascaanood aan lagu khasbi karin midnimada Somaliland.
Afhayeen Buuni, ayaa waxaa uu sheegay in dadka reer Laascaanood ay yihiin reer Somaliland isla markaana aanay jirin dookh kale oo ay haystaan.
Waxaa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur aanu hadalkiisa dowladda Soomaaliya ku matalayn, oo uu ahaa hadal uu si shakhsi ah u yidhi, isagoona ku tilmaamay shakhsi baal madow kaga jira taariikhda Soomaalida.
Buuni waxa uu dowladda Soomaaliya uga mahadceliya in aanay Cabdiraxmaan Cabdishakuur xil wasiir siinin, isaga oo sheegay in uu bada Soomaaliya iibiyay mar uu wasiir noqday.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa qoraal uu dhawaan ku baahiyay bartiisa Facebook ku dhaliilay habka ay Somaliland u wajahday colaada Laascaanood, isaga oo sheegay in reer Laascaanood aan lagu qasbi karin midnimada Somaliland.