Burco (Hargeisa Press)- Guddiga nabadgeliyadda ee gobolka Togdheer ayaa soo saaray go’aamo lagu joojinayo barnaamijyo mada-daalo ah oo ay qabtaan hudheeladda magaaladda Burco.
Waxaanay guddigu wacad ku mareen in aanay dhici doonin in magaaladda Burco lagu qabto barnaamijyo caways ah ama mada-daallo iyo suugaan ah oo waayadan danbe ay bilaabeen qaar ka mida hudheeladda magaaladaasi.
Xubnaha guddiga nabadgeliyadda Togdheer oo uu wehelinayay maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa nidar ku maray in ay tallaabo ka qaadi doonaan hudheeladda isku daya in ay qabtaan cawaysyadda habeenkii ee ay dhalinyaradu isugu yimaadaan.
Amarkan ay guddiga nabadgeliyadda Togdheer ku soo rogeen hudheeladda Burco waxay u cuskadeen in culimadda magaaladda Burco ay cabasho uga soo gudbiyeen arrintaasi.
Kuwaasoo barnaamijyadda hudheeladda lagu qabto ku tilmaamay in ay yihiin waxyaabo diinta islaamka lidi ku ah, isla markaana fasahaad ku keenaya bulshadda.
Tallaabadani ayaa ka dhalatay kadib markii habeenkii xalay hudheelka Isha Burco oo ku yaalla magaaladda Burco lagu qabtay bandhig faneed ay heeso iyo maaweelooyin ku dhigayeen xubno fanaaniin ah.
Maxamed Yuusuf Muraad, maayarka magaaladda Burco oo go’aamadaasi akhriyay ayaa dhaar ku maray in haddii ay mulkiileyaasha hudheeladaasi joojin waayaan barnaamijyadaasi in ay iyagu gacantoodda ula tegi doonaan.