Dad Ku Dhintay Shil Gaadhi oo Ka Dhacay Jabuuti

0
775

Djibouti ( Hargeisa Press)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Tadjoura ee dalka Jabuuti, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Shil Gaadhi oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkan, ayaa lagu soo waramayaa inay ku geeriyoodeen ugu yaraan inta la xaqiijiyay saddex qof, oo uu ku jiro daraawalkii gaadhiga.

Sidoo kale, shilkan gaadhi, ayaa waxaa ku dhaawacmay Shan Qof oo kale, kuwaas oo loo soo qaaday Cubitaalka weyn ee magaalada Jabuuti.

Sababta keentay shilka, ayaa lagu sheegay kaddib markii gaadhi noociisu yahay Nissan oo siday toban qof oo rakaab ah, uu rogmaday, kadib markii uu ka baxay wadada.

Gaadhigan, ayaa waxa la sheegay inuu ka yimid magaalada Obokh.

Dadweynaha marayay wadada, ayaa shilka ku wargeliyay shaqaalaha gurmadka degdega, kuwaas oo kaddib gaadhay goobta si ay u caawiyaan dadkii wax ku noqday shilka.

Wadada tagta gobolada waqooyiga ee Jabuuti, ayaa ah mid dhexmarta buuraley, waxaana dowladu ku war gelisay darawalada gaadiidka in looga baahan yahay inay taxaadar dheeraad ah sameeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here