Dabaaldega Xuska 18-ka May oo Si Weyn Looga Xusay Magaalada Gabiley + SAWIRRO

0
620

Gabiley,(HargeisaPress) – Magaalada Gabiley ee Gobolka Gabiley ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degtay xuska maalinta qaranimada Somaliland, 18-ka May, taasoo sanadkan ku beegan 34 sano guuradii kasoo wareegtay gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland ee 1991.

Munaasabadda oo ka dhacday Fagaaraha Khayriyadda Gabiley ayaa ahayd mid heer sare ah, islamarkaana ay kasoo qaybgaleen madax sare oo ka tirsan Qaranka.

Halkan ka DAAWO hadaladii laha jeediyay

Dabaaldeggan ayaa lagu muujiyay calanka Somaliland, heeso waddani ah, ciyaaro dhaqameed, socodka ciidamada iyo bandhigyo kale oo xambaarsan qiimaha iyo sharafta maalintan taariikhiga ah.

Masuuliyiinta hadalka jeediyay ayaa shacabka Gabiley ku ammaanay sida ay u muujiyeen midnimo, waddaniyad iyo taageero qaranimo. Waxa kale oo lagu booriyay ilaalinta nabadda, wadajirka iyo horumarka Somaliland.

Xuska 18-ka May ee sanadkan ayaa Gabiley uga dhacay si aan hore loo arag, taasoo markale muujisay kaalinta weyn ee ay bulshada reer Gabiley ku leeyihiin qaranimada iyo halgankii madax-bannaanida.

Dhammaan shacabka reer Gabiley iyo guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu leenahay:
Hambalyo Xuska 18-ka May – Waa Maalin Qaran!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here