Jigjiga (Hargeisa Press)- Dab aad u xoogan, ayaa waxaa uu maanta ka kacay suuq ganacsi oo ku yaala magaalada Jigjiga ee xarrunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo gebi ahaanba shuf beelay.
Dabkan oo billaabay subaxnimadii hore ee maanta, ayaa ka kacay suuqa Khudaarta ee magaaladda Jigjiga, kaasoo keenay khasaare hantiyeed oo badan.
Inkastoo aan wali la shaacin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dabkani, balse waxay wararku sheegayaan inuu dabkani ku fiday meherado badan oo suuqaasi ku yaalay, kuwaas oo badankoodu baaba’ay.
Hay’addaha amniga ee magaalada Jigjiga, oo Ciidanka Dab-demisku ugu horeeyo, iyo shacabkii magaalada oo soo gurmaday, ayaa ku guulaystay in ugu dambayn la xakameeyo dabkan, iyadoo Dab-demiska magaaladuna ay qayb ka qaateen xakamaynta dabkaasi.
Waxaana lagu guulaystay daminta dab ka kacay goobka kamida suuqa ganacsiga ee xafada 2aad, ee magaaladda Jigjiga.
Ma jiro wax khasaare nafeed oo la soo weriyay, balse waxaa jirra bur-bur hantiyeed oo uu sababay dabkaasi. Hase yeeshee muuqaalo laga soo duubay suuqa gubtay, iyo sawiradda la baahiyay ayaa muujinaya sida suuqaasi gebi ahaanba u shuf-beelay.
Geesta kale, suuqaasi gubtay waxaa soo kormeeray wasiirka madaxtooyada DDS Xuseen Qaasim, iyo duqa magaaladda Jigjiga Ziyaad Cabdi Wayne, iyo masuuliyiin kale.
Duqa magaaladda Jigjiga Ziyaad Cabdi Wayne, oo ka hadlay musiibada Dabka ee suuqaasi gubtay ayaa sheegay in lagu guulaystay deminta dabkaasi.
Waxaanu yidhi “Allaa mahadleh waxaa lagu guulaystay daminta dab saaka subaxdii ka kacay qaybkamida suuqa xafada 2aad ee magaalada. Gurmadka dab-damiska iyo ciidanku waxay ku guulaysteen daminta iyo xakamaynta faafitaanka dabkaasi, oo gaystay khasaare hantiyeed oo kooban, mana jiro wax khasaare nafeed ah”.
“Ugu horayn allah ayaa mahadleh inagu guuleeyay marka labaad waxaan u mahacelinaynaa ciidanka iyo gurmadka dab-damiska oo marwaliba oo musiibada dabku timaado naf huris ah sameeya si ay badbaadiyaan nafta iyo shacabka”ayuu yidhi duqa Jigjiga.
Dhinaca kale, ma aha markii u horreysay ee dab ka kaco suuqa magaalada Jigjiga, waxaana jirtay in sanadihii ina dhaafay sidan oo kale dab uga kacay goobo ganacsi oo ku yaal magaalada Jigjiga.
axaana la sheegaa in magaalada Jigjiiga ay ku yar yihiin adeegga dab damiska ah taas oo keenta inay bas beelaan goobaha uu dabku kaco.
Dabkan oo gaystay khasaare hantiyeed, ayaa kacay saaka abaaro 5 tii subaxnimo
Gurmadka deg-dega ee dab-damiska iyo ciidanka oo iskaashanaya ayaa ku guulaysteen xakamaynta iyo daminta dabkaasi.
Laba sanadood ayaana ka soo wareegtay markii ay isla Haanta Korontadda ee la sheegay in ay maanta sababtay dabkaasi, oo qaraxday ay ku geeriyootay haweenay.