Dab Xoogan oo Ka Kacay Dekedda Berbera oo Khasaare Dhaliyey

0
570

Berbera (Hargeisa Press)- Dab xoogan oo maanta ka kacay Dekedda magaalada Berbera, ayaa waxa uu dhaliyay khasaare hantiyeed.

Waxaa gubtay Wiish ka mid ah saddex Wiish oo casri ah oo dhawaan keentay Shirkadda Wp World ee gacanta ku haysa Maamulka Dekedda Berbera iyo weliba Koonteenarro ka ag dhawaa halka Wiishka gubtay yaallay, waxaana markiiba ka hawlgalay oo ku guulaystay bakhtiinta dabkan gaadiidka Dab-demiska ee Dekedda iyo magaalada.

Dhinaca kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa waxa uu ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay dabka iyo waxa sababay.

https://youtu.be/Ld33aVfvQw8

Hargeisa Press.com/Berbera Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here