Dab ka kacay Meherado ku yaala badhtamaha Suuqa Hargeysa

0
2726

Hargeysa (Hargeisa Press)- Dab xoogan ayaa waxaa uu goor dhawayd ka kacay meherado ku yaala badhtamaha suuqa weyn ee magaalada Hargeysa oo ka agdhow suuqii gudbtay ee Waaheen.

Dabkan oo saacdo socday, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka kacay mid ka mid ah Bakhaarada ku dhex yaala agaagarka Suuqa Sarrifka.

Lama oga ilaa iyo hada waxaa sababay dabkan ka kacay Bakhaarka, iyadoona la sheegay in Bakhaarku gebi ahaanba shuf beeley, isla-markaana ay alaabtii dhextaalay ay gubatay oo aanay waxba ka badbaadin.

Ciidanka Dab-demiska Somaliland oo goobta gaadhay, ayaa waxaa la sheegay inay xakameeyeen dabkan ka kacay Bakhaarka.

Taliyaha ciidanka Dab-demiska Somaliland oo goobta uu dabku ka kacay gaadhay, ayaa sheegay inay in badan uga digayeen Bakhaarleyaasha in ay hantidooda meel iskugu geeyaan.

Taliyaha, ayaa sheegay inay si deg deg ah baadhitaan ugu samaynayaan waxaa sababay dabka iyo khasaaraha ka dhashay.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here