Dab ka kacay Huteel ku yaalla Turkiga iyo dad ku dhintey

0
548

Ankara (Hargeisa Press)- Dab ka kacay hoteel ku yaalla magaalada Bolu ee loo dalxiis tago ee dalka Turkiga, ayaa waxaa ku dhintay 10 qof, halka 32 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Yerlikaya.

Ugu yaraan laba ka mid ah dadka dhintay, ayaa geeriyooday ka dib markii ay ka boodeen daaqadaha hoteelka, sida la xaqiijiyay.

Dabka, ayaa ka kacay hotelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq, xili lagu jiray fasax, mashquul bandanna uu jiray isla markaana 234 qof ay ku sugnaayeen halkaa.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujinaya maro ka soo laa-laadda daaqadaha taasoo ay isticmaalayeen dadkii isku dayay inay ka baxsadaan dhismaha gubanaya.

Guddoomiyaha Bolu Cabdulcasiis Aydin, ayaa sheegay in wararkii ugu horreeyay ay sheegayaan in dabku uu ka kacay qeybta maqaayadda ee dabaqa afaraad ee hoteelka uuna ku fiday dabaqyada sare.

Hoteelka, ayaa waxaa uu baadhaya in martida ay ku xayirmeen qolalkooda markii uu dabku sii faafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here