Daawo Muuqaal: Shirkadda SBI Oo Shaacisay Lambaradda 26 Qof Ee Ku Guulaystay Jaa’isaddaha Barnaamijka Nasiibka Oo Gaadhigii Koowaad Ku Jiro

0
1183

Hargeysa, (HargeisaPress) —  Shirkadda sharaabka Waddaniga ah ee SBI, ayaa maanta shaacisay 26 qof oo ku guulaystay jaa’isado uu ugu weyn yahay gaadhi nooca Verossa loo yaqaano ah. Dadka kale waxay ku guulaysan doonaan jaa’isado ay ka mid yihiin lacago dhan 500 doollar, Mobillo iyo Kombiyuutarro Labtop-yo ah.

 

 

Munaasibad lagu qabtay Xarunta shirkadda SBI ee Hargeysa oo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiinta shirkadda, dadweyne qaybaha bulshada ka socda iyo saxaafaddu ayaa lagu wareejiyay Computer-ka kumanaa Lambar oo farriimo soo diray, waxaana ka soo baxay 26 lambar.

Madaxa suuqgaynta shirkadda SBI Maxamed Naasir Cali, ayaa ugu horayn faahfaahin ka bixiyay barnaamijkan nasiibka ah ee bulshada isticmaasha sharaabka shirkadda loogu talo galay “Barnaamijkan oo la yidhaahdo magaciisa “Farriin dir, cab oo guulayso” ama cab oo farriin dir dabeedna guulayso oo aanu soo bilawnay muddo hal bil ka hor ah, waxaanu ka soo bilawnay qofku markuu cabo sharaabka qabow ee SBI, wuxuu samaynayay lambarka Furka hoosta kaga qoran ee tobanka lambar ah ayuu u dirayay lambarka 944, dabeedna haddii ay markaaba u soo baxdo jawaab wuu ku guulaystay wuxuu helayay jaa’isado yaryar oo ay ka mid yihin Garamaanta iyo koofiyadaha, islamarkaana Lambarkiisu wuxuu ka qayb galayay tartanka weyn ee guud ee loogu talo galay in lagu bixiyo jaa’isadaha waaweyn ee ay ka mid yihiin Mobillada, Labtop-yada, Lacagaha iyo gawaadhida,” ayuu yidhi madaxa suuq gaynta SBI.

 

Madaxa suuq gaynta SBI oo sharaxaadda barnaamijka sii wada ayaa yidhi “Barnaamijkan markii u horaysay waxaanu bixinay jaa’isadihii u horeeyay oo ahaa 30 iskugu jiray Labtop-yo, Mobillo iyo lacago. Waxa jaa’isaddahaasi lagaga kala guulaystay kooneyaasha dalka oo ay ka mid yihiin Boorama,Berbera, Gabiley, Hargeysa, Laascaanood iyo meelo faro badan oo kale oo dadka guulaystay joogaan. Barnaamijkan waxaa loogu talo galay inuu socdo 3 bilood iyo dheeraad oo bishiiba la bixiyo intaas oo jaa’isadood iyo hal baabuur oo nooca loo yaqaan Ferosa ah(Verossa). Wali barnaamijku wuxuu ku jiraa bishii u horaysay waxaana hadhay laba baabuur iyo boqolaal jaa’isadood oo iskugu jira Laptop-yo, Mobillo iyo lacago 500 Dollar ah.”

Liiska 26 Qof Ee Ku Guulaystay Jaa’isaddaha Barnaamijka Nasiibka
Liiska 26 Qof Ee Ku Guulaystay Jaa’isaddaha Barnaamijka Nasiibka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Naasir Cali, Waxa uu sidoo kale bulshada u iftiimiyay habka loo dirayo farriinta lagu nasiibsanayo “ Dadku markay farriinta dirayaan waxaa jira khaladaad ay sameeyaan oo nagu soo noqda, markaa kolka aad dirayso farriinta tobonka Lambar iyo xaraf ee furka hoostiisa ku qoran ayaad qoraysaa, adigoo ka bilaabaya shanta sare, kuna xigsiinaya shanta hoose, adigoon wax bannaan ah(Space) u dhexaysiine isku wada xigsiinaya, kadibna waxaad u diraysaa lambarka 944, haddii ay waad khaladay kugu soo noqoto macnaheedu waxa weeye ama qoraalka ayaad khaladay ama iskumaad xigsiine waad is hoos dhigtay.”

 

 

Ugu dambeyntiina wuxuu faahfaahin ka bixiyay 26-ka qof eek u guulaysanaya bakhtiyaa nasiibka billaha ah ee ay ku jirto jaa’isadda ugu wayn oo gaadhiga ah “Sida aanu dadkaba farriimaha aanu telefoonka ugu diray ugu sheegnay, maanta baabuurkii u horeeyay iyo 25 jaa’isadood oo kale dadkii ku guulaystay ayaanu halkan ku soo saaraynaa. Sidaanu u soo saaraynaa waxa weeye Computerka iyo Server-ku waxay hortiina ku soo saarayaan 26 qof(Lambarada 26 qof) oo guulaysteyaal ah. 26 qof waxay ku kala guulaysteen ma cadda laakiin, waxay ku guulaysanayaan jaa’isado. Jaa’isadahaasi waxay iskugu jiraan Mobillo, Labtop-yo, Lacagihii 500 Dollar ahaa iyo gaadhiga Verossa-da ah. Markaa kolka maanta 26 qof lagu soo saaro saxaafadda iyo dadweynaha ka soo qayb galay hortooda waxay u wareegi doonaan wareeg labaad oo maalinta Sabtida la qaban doono, kaas oo qof walba wuxuu ku guulaystay la sheegi doono, kii Mobil ku guulaystay, kii Labtop ku guulaystay iyo kii gaadhiga ku guulaystayba. Barnaamijkaasi waxaa si toos ah looga daawan doonaa telefishanka Horn Cabletv Sabtida habeenka Axaddu soo galayso 07:00 Fiidnimo, sidaas baanay cid waliba ku daawan doontaa,” ayuu yidhi Maxamed Naasir.

 

Intaasi kadibna waxaa la gudo galay in Computer-ku wareejiyo lambarada boqolaal kun oo macmiil oo farriimo soo diray si loo helo 26-ka nasiibka u helay. Waxaana doorista hadba lambarka soo baxaya qayb ka ahaa dadka ka soo qayb galay iyo saxaafadda oo qofku gacantiisa ku taabanayay Computer-ka si uu u dooro mid ka mid ah guulaystayaasha. Arrintaasi oo shirkaddu uga dan lahayd sidii loo muujin lahaa caddaaladda iyo sida hufnaanta leh ee shirkaddu u tijaabinayso nasiibka macaamiisheeda daafaha dalka kala jooga, waxaana 26-ka lambar ee soo baxay la eegi doonaa sida ay u kala guulaystaan marka mar kale Sabtida nasiibkooda uu wareejiyo Computer-ku.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here