GABILEY, (HargeisaPress) —Xubnaha golaha wasiiirada iyo barlamaanka iyo aqooonyahanka kazoo jeeda gobalka gabiley ayaa shir lagaga wada Hadleyey aabaraha iyo qaadashada kaadhadhka codeynta oo uu hogaaminayo maayarka gabiley lagu qabtey hallka dawlada hoose ee Gabiley.hadaba shirkan oo salaysanaa aqoon iswaydaarsi iyo taakulayn dadka abaaruhu halelen laguna lafo guriyey muwadiniinta reer Somaliland ee ka sooo jeeda gabiley ee Ku nool dawladaha aan jaarka nahay sida Ethiopia iyo Djibouti loo wacyi galinlahaa una qaadan lahayn kaadhadhka codeynta oo dhawaan ka dhacaysa gabiley iyo guud ahaan dalka.
hadaba waxa shirkan lagu martiqqadey odaaysha waxgaradka aqooonyahanka bulshada haweenka sidoo kale dhalinyarta ugu horayn waxa xafldan ka hadlay maayarka gabiley si aad iyo aadna uga Hadley iney mihiim tahay in la isku yimaado hadey tahay siyaasi aqooonyahan xubnaha baarlamaanka si loo Kala guro laba isasaraan oo ah,
1.Abaaraha Baahsan Ee Afeeyey Gobalka Gabiley.
2.Qaadshad Kaadhka Codaynta Ee Muwaadinka Xaqa Uleeeyahay.In Laga Yeesho Talo Heer Qaran Iyo Gobalba Ah.
isla markaana la haqab tiro adeegyada wacyi galinta daad guuraynta dadka kaadhka qaadanaya ee ka fog goobaha sanaduuqda,loona baahanyahan yahay gadiid iyo raashin sidoo kale biyo.isla markaana tahay in laga wado yeesho in meel kaliya loogaso wado jeesto baahiyaha is dabayaalaa mar qudhana la wado qabto.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka
inta ka dib madashan oo aanay bulsho ganacsi ee gabiley ka dhex muuqan ayaa waxa hadal ka jeediyey xildhibaanka ibraahim axmed haybe oo ku deeqay hal; gaadhi oo ka hawlgala intaa ka hadhsan maalamaha qaadashada kaadhadhka codaynta .waxa isna sidoo kale ka hadley wasiirka ganacsiga .shacayba maxamed muuse iyo wasiirka ganacsiga isla markaana ku kala deeqay midkiiba laba gaadhi iyo lacag dhan 2000$…sido kale xikdhibaanka golaha deeganka gabiley ee Xildhibaan Mahdi Jiija oo ah xubinta ugu firfircoon golaha deeganka gabiley ku deeqay hal gaadhi inta ay socoto kaadhadhka codeynta.
Waxa madashani intii ay socotey wax qqaadhan ah ku darsan xildhibaan xasan caawle caynaan oo ah xubinta barlamaanka gabiley,sidoo kale haweney qurba joog ka soo jeeda gobalka ayaa qaadhanka ku darsatey 500$
Abdikareem Mahamed Aw,Aadan — HargeisaPress — Gabiley
Email: wacay28@hotmail.Com