Daawo Muuqaal: Musharrax Maxamed Biixi Yoonis oo Si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa, kana hadlay Hankiisa

0
877

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ahna Musharrax u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Caasimadda Hargeysa, iyadoo lagaga hortegay garoonka diyaaradaha Cigaal, lana soo gelbiyey illaa gudaha magaalada.

Waxa soodhawaynta Musharrax Maxamed Biixi ka qayb-qaatay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, Xildhibaanno, Masuuliyiin KULMIYE ka tirsan, Xubno ku jira Golaha dhexe ee Xisbigaas, Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaanka guud ee Subeer-awal, Madax-dhaqameed tiro badan oo ay labada Suldaan hoggaaminayeen, Odayaal, Wax-garad, Aqoonyahan, Dhalinyaro, Haween, Culimo iyo dadweyne kale oo tiro badan iyo Siyaasiyiin kala duwan.

bii akak

Markii Madaarka lagu soo dhaweeyey Maxamed Biixi Yoonis waxa uu la hadlay qaybaha kala duwan ee soo dhaweeyey, waxaana ka hor hadalkiisa Cod-baahiyaha ku soo dhaweeyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), waxaanu yidhi; “Dadka Maanta halkan isugu yimi waxa weeye KULMIYE ayay ku wada socdaan, Beelo kuma wada socdaan, Qabaa’ilna uma socdaan, Reerana uma socdaan, Xisbiga tallada haya oo Xisbiyadana ugu weyn oo la yidhaahdo KULMIYE ayay ku wada socdaan. Waxaan ku soo dhawaynayaa Mikrifoonka anigoo ku hadlaya dhammaan dadka halkan isugu yimi, gaar ahaan Salaaddiinta oo dhan oo ay metelaan labada Suldaan guud, waxaan ku soo dhawaynayaa Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.”

bixii ak

bbb

biixi

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here