London,HargeisaPress) — Mo Farah ayaa mar kale ku guulaystay horyaalka yurub dhanka orodka 10,000 Mitir ah , isagoo hore looga shakisanaa inuu ciyaari karo madaama uu dhaawacnaa.
Guushani waxay noqonaysaa Tii shanaad ee Dahab ah oo uu ku guulaysto Tartamada Yurub , isagoo ka dhaafay ciyaaryahanada Colin Jackson iyo Steve Backley.Waxaanu laga shaki qabaa inuu 5,000 mitir ku guulaysan doono Axada soo socota ciyaaryahanka Somaliland u dhashay balse U Ciyaara dalka Ingiriiska , dadiisuna tahay 31-Jirka.
Hargeisa Press News Desk — Hargeysa