Daawo Muuqaal: Daahir Riyaale Oo Dalka Ku Soo Laabtay, Kana Hadlay Arrimaha Muddo Kordhinta,Burburkii Udub iyo Raaligalin Uu Siiyay Jamaal Cali Xuseen

0
1023

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta dalka ku soo laabtay kana hadlay arrimaha dib u dhaca doorashada iyo cidda masuulka ka ahayd burburka Xisbigiisii Udub oo uu sheegay in Warancadde oo aan hankiisu wasiir dhaafsanayni la hadhay.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo suxufiyiintu waydiisay aragtidiisa xaaladda guud ee Waddanka ayaa ku gaabsaday in suxufiyiintu uga war roontay xaaladda dalka “Ha iga filina sidii berigii qoladii mucaaradka ahayd ay u hadli jirtay markaan anigu xilka hayey in aan u hadlo” ayuu yidhi Mudane Riyaale.

Mudane Daahir Riyaale Kaahin, oo la waydiiyay muddo kordhinta Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigii Riyaale aad uga horjeeday Muddo kordhinta loo sameeyay ayaa ku jawaabay “Horta  isaga inaad waydiisaan bay ahayd oo tidhaahdaan wixii shalay aad caaridaysay ama diidaysay maanta maxaad u jeceshahay,taas inaad isaga waydiisaan bay ahayd,

Laakiin, mid baan idiin sheegayaa, wakhtigii ay muddo kordhintu timid aniga sababo ayay ku timid, kow horta Madaxtooyada qarax baa lagu sameeyay, dadkii Hindida ahaa ee diwaangalintii beenta ahayd ee laynoo sameeyay wadayna meesha way ka qaxeen bay ahayd, dib u dhac baa markaa ku yimid doorashada oo 2009 in la qabto ayay ahayd. Komishankii markaa joogay ee Jaamac Sweden madaxda ka ahaa in doorashada la qabto ayay ku dhawaaqeen laakiin, xisbiyada Mucaaradka ayaa diiday, anigu markaa waan ogolaaday bay ahayd.

Haddana diwaangalintii in dib loo saxo ayay noqotay taasana dib u sii riday laakiin, tanaasulka anigaa sameeyay oo doorashada Madaxweynaha waxaa ka horaysay tii dawladdaha hoose anigaa soo hor mariyay ta madaxtooyada, waligiin taas maad ka sheekayseen?, ta dawladaha hoose ayaa horayn lahayd laakiin, anigaa tanaasul sameeyay oo doorashada Madaxtooyada soo horaysiiyay. Ta labaad qodobo aan sharci ahayn baan xataa ogolaaday si doorasho loo galo” ayuu yidhi Mudane Daahir Riyaale.

Mudane Daahir Riyaale oo hankiisa la waydiiyay inuu asxaabta ku biirayo ayaa ku jawaabay “Xiiso uma qabo in aan mar kale isa soo sharaxo, waxaan qabaa in aan tusaale u noqdo qofku marka uu madaxweyne soo maro in uu hadana ka degi karo oo dadka kalena uu fursad u siin karo”

Mudane Daahir Riyaale, oo wax laga waydiiyay burburka xisbigiisii Udub, waxa uu eedeeyay Cali Warancadde, waxaanu raali galin siiyay Jamaal Cali Xuseen iyo raggii kale ee lahaa hanka Madaxweynenimo.

“Waxaan halkan maanta kaga faa’iidaysanayaa inaan raaligalin kaga bixiyo Xisbigaygii Udub inaan u dhiibay nin aan hankiisu  gaadhsiisnayn Madaxweyne oo aan Wasiir dhaafsanayn waa Cali Warancadde oo ku faanayay jeebkaan ku ritay Xisbiga Udub, oo nimankii hankoodu ahaa madaxweynaha ilaa madaxweyne xigeenkaygii iyo bahweyntii xisbiga Udub iyo Nimankii hankoodu madaxweynaha iyo kuxigeen uu ahaa ee soo dalbaday Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid raaligalin baan ka siinayaa inaan iyaga baal maray oo aan ninkaas aanu hankiisu wasiirka iyo wax ka hooseeya dhaafnayn u dhiibay laakiin, xisbiga Udub wuu soo noqon doonaa oo waa taariikhda dimuqraadiyadda ah ee Somaliland aasaaskeeda insha Allah,” ayuu yidhi Mudane Riyaale.

Mudane Riyaale waxa uu intaasi raaciyay “Horta dee anigu barigii hore maahmaahyo aan odhan jiray baa jira oo ah Jaarkaaga ma dooran kartid laakiin waxaad dooran kartaa sidaad jaarkaaga ula noolaanayso, taasina waa dhaabato taala oo isaga iyo kuwa ka dambeeyaba u taala, markastaba in jaarkaagu saaxiib fiican kuu ahaado danta iyo maslaxadda qarankan ayaa ku jirta”

Mudane Daahir Rayaale waxa uu sidoo kale khalad ku tilmaamay Suldaan Wabar-ka galay buuraha Xuduudka Ethiopia iyo Awdal u dhexeeya “Wallaahi anigu taas khalad baan u arkaa, sabab uu buuraha u galayna ma jirto, waxay ahayd inuu waddankiisa joogo oo dadkiisana la joogo” ayuu yidhi Mudane Daahir Riyaale.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here