Washington (HP): Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in bulshadda goboladda barigu ay sanadahan danbe ay si weyn u soo fahmayaan siyaasadda dalka oo mudooyinkii hore lagu tirin jiray in ay ka maqnaayeen.
Saleebaan Cali Koore, oo ka mid ah weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland ee safarka shaqo ku jooga dalka Maraykanka oo hadal u jeediyay kulankii ay jaaliyadda reer Somaliland la yeesheen.
Waxaanu wasiir Koore, qurbejoogta kula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimadoodda, isla markaana qof kastoo reer Somaliland ah uu iskii u noqdo safiir iib geeya qadiyadda Somaliland.
DAAWO: Khudbadii Wasiir Koore:
Hargeisa Press.com/hargeisa Office.