DAAWO: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo Uu Ka Hor Jeediyay Baarlamaanka

0
431

Muqdisho (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga warbixiyey shirkii Wadatashiga heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed ee ku qabsoomay magaalada Samareeb.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Labada Aqal ee Baarlamaanka sida ay uga qeyb qaateen in dalku aanu gelin firaaq-dastuuri ah.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixineyso hirgelinta doorashooyinka dalka.

Isaga oo dul istaagay sida ay uga go’an tahay Madaxda heer Federaal fulinta heshiiskii 17-ka Sabteembar ee ay gaareen dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayna ansixiyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wararka ee madaxtooyadda Villa Somalia ee magaaladda Muqdisho.

“Waxaan tanaasulka ka soo bilawnay sharcigii doorashada ee ay Golahani meelmariyeen, ilaa shirka aan hadda ka soo laabannay ee Samareeb.

Waxaana gaarsiiyey heer ay gacantooda ku soo qortaan heshiiskii 17-ka sebteembar 2020, anigoo u arkayey in ay muhiim tahay midnimadeenna iyo wadajirkeenna si loo gaaro heshiis siyaasaddeed oo ka turjumaya hiigsiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yidhi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay caqabadaha siyaasadeed ee soo wajahay heshiiskii doorashada, kuwaas oo ka yimi maamulada Puntland iyo Jubbaland oo diiday dhaqan-gelinta qodobbadii ay horey u saxiixeen.

Taas oo muujisay sida ay uga caga-jiidayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

Waxaanu yidhi, “Laba qodob oo kaliya ayaan u soo bandhigay markii aan ku guda jirnay Wadahadalladii Heshiiskii 17-kii Sebteembar.

Kuwaas oo kala ahaa in laga dhimo Haweenka Soomaaliyeed ee doonayo in ay ka mid noqdaan Labada Gole ee Baarlamaanka lacagta isdiiwaan gelinta iyo in ay doorashada maamulaan Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Kuwaas oo aan u aragnay in ay dhexdhexaad ahaayeen maadaama magacaabistoodu ay naga horreysay.

labadaas qodobba waa la iga diiday, waana tanaasul kale oo aan u sameynay qabsooomidda doorashada” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Geesta kale Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in ay iswaansan doonaan oo u turi doonaan dalka iyo dadka Madaxda Dowlad-goboleedyada ee ka caga jiiday fulinta heshiisyadii doorashooyinka ee ay horey u ansixiyeen.

Isaga oo adkeeyey muhiimadda midnimadu iyo in loo tanaasulo danta guud.

DAAWO: KHUDBADII MADXWEYNE FARMAAJO:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here