Hargeysa–Maalinimadii Isniintii waxa aan goob joog u ahaa bilowga taariikh wannaagsan iyo daahfurka mac’hadka dibloomasiyadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland.
Mac’hadkan ayaa noqon doona mid baahi weyn oo dhanka tayada, tababarka, iyo hab-tebinta shaqaalaha iyo dibloomasiyiinta wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland buuxin doona.
Sida qorshaha Ministry of Foreign Affairs – Somaliland yahay mac’hadkan ayaa noqon doona goob lagu diyaarin doono: siyaasado, qorsheyaal, cilmi-baadhis, shaqaale, diblomasiyiin iyo hannaan habaysan oo lagu qaadayo fariinta Somaliland u dirayso dalka dibadiisa.
Ka sakow macalimiinta wax ka dhigaya mac’hadkan waxa aan rejaynayaa in uu noqon doono mid si joogto ah loogu soo casuumo: wasiiradii hore ee arrimaha dibbeda, safiiradii hore Somaliland, taliyeyaashii ciidaamada, iyo cid walba oo xog iyo xikmad lagu tuhmayo. Dhanka kale na lagu diyaariyo luuqadaha iyo barashada dhaqanada dalalka jaarka.
Waa dhab oo waa geedigii ictiraaf raadinta oo si xirfadaysan, xidhiidhsan oo xikmadaysan loo qaadi doono.
Waxa qoray Amb Sharmake Geelle.