Shirkadda MSG Group oo $250,000 oo Dollar ugu yaboohday Dadkii hantidooda ku waayay Dabkii Suuqa Idaacada

0
1153

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shirkadda MSG Group of Companies oo ka mid ah Shirkaddaha waa weyn ee ka jira dalka Somaliland, ayaa qaadhaan lacageed ugu yaboohday dadkii hantidoodii ku waayay Dabkii dhawaan baabiyay Suuqa Idaacada ee magaalada Hargeysa.

Shirkadda MSG Group of Companies, ayaa qaadhaanka lacageed ku wareejisay Guddiga Heer Qaran ee wax ka qabashada masiibada Dabkii baabiyay Suuqa Ideecada.

Waxaana qaadhaan lacageed ku wareejiyay Guddiga Heer Qaran ee wax ka qabashada masiibada Dabkii baabiiyay Suuqa Ideecada, Madaxa MSG Group of Companies ee Somaliland iyo Wadamada Bariga Afrika Xamdi Ibraahim Axmed.

Qaadhaanka lacageed ee ay Shirkadda MSG Group of Companies ugu yaboohday dadka waxyeeladu ka soo gaadhay dabka suuqa baabiiyay, ayaa dhammayd Rubuc Milyan Doolar ($250,000).

Kulan oo lagu qabtay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guryeynta oo ah Guddoomiyaha Guddida goobjoogna ay ka ahaayeen xubnaha guddida, ayaa lagu wareejiyay xadiga lacagta ee Ganacsade Maxamed Aw Siciid Geedi ugu deeqay.

Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee Guddida, ayaa waxaa ay ka mahadceliyeen taakulada iyo garab istaaga Shirkadaha MSG Group u muujiyeen dadkaasi hantidoodii ku waayay dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here