Culimada Magaalada Hargeysa oo Soo Jeediyay In Salaadaha Guryaha Lagu Tukado

0
1471

Hargeisa (Hargeisa Press)- Qaar ka mida culimada waa weyn ee magaalada Hargeisa ayaa soo jeediyay in salaadaha Faralka, Taraawixda iyo Taajudka lagu tukaddo guryaha, inta xannuunka safmareerka ah ee Covid-19 uu taagan yahay.

Culimada ayaa waxaa ay sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Masjidul Rashiid ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Cabdirisaaq Albani oo isagu warbaabinta la wadaagay bayaanka ay culimadu soo saartay ayaa yidhi “Sidaasi darteed anagga oo ka duuleyna daliilada kor ku xusan iyo fadwada culimada ee xaalada Covid-19 ku saab waxaa aanu ummada u sheegayna ‘Salaadaha Faralka iyo Taraawiixda iyo Taajudka’ ay ku tukadaan guryahooda maadama ay jirto cabsi dhabba oo laga qabo fiditaanka xannuunka Covid-19 isu imaatinkuna uu ka mid yahay, asbaabaha u waa weyn ee uu xannuunkani ku fido”.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here