Culaysyo Nololeed ma ka cabanaysaa?

0
170

Waxa laga yaaba in aad ka cabanayso ama la il daran tahay culaysyo nolosha ku soo waajahay, sida dhaqaale yari, caddaalad-daro, geeri cid aad jeclayd, guur kaa burburay ama lammanahaagii oo aad weli laadahay, awlaad la’aan, xadhig ama xabsi iyo xanuun daba-dheeraaday iwm.

Dhammaan culaysyadaas iyo kuwa ka waaweyn waa lagu imtixaamay qaar ka mid ah raggii iyo dumarkii hore ee wanaagsanaa sida anbiyada, asxaabta iwm, laakiin, waxa ay kaga gudbeen tilaamaha ay inoo sheegtay aayadda 90aad ee suuratu Yusuf oo si gaar ah ii soo jiidatay.

Aayaddani waxa ay inna baraysaa laba dabeecadood oo muhiim ah: (1) Taqwo am Alle ka cabsi: In aad Ilaahay SWT xasuusnaato, xumaan iska ilaaliso, oo aad camalkaaga toosiso. (2) Samir: in aad adkaysato marka dhibaato timaaddo, kalsoonina ku qabto qaddarta Rabbi, adiga oo og in guusha ugu dambaysa ay tahay midda xaqa leh.

Aayaddan waxay innoo xaqiijinaysaa in Ilaahay abaalmarinayo qof kasta oo samra oo wanaagga ku sugnaada, xitaa haddii duruufuhu u muuqdaan kuwo adag.

Sida Aayaddu inoo sheegayso hadalkan qiimaha badan waxaa yidhi Nebi Yuusuf (CS) kaddib markii uu la kulmay dhibaatooyin waaweyn – Walaaladii ayaa khiyaameeyay, ceel ayay ku tuureen, addoon ayaa laga dhigtay, xabsi ayaa la dhigay, iyada laga been abuurtay. Inkasta oo uu dhibaatadaas oo dhan maray, wuu samray oo Ilaahay talo saartay, ugu dambaynna Ilaahay wuu karaameeyay.

Tani waxa ay inna baraysaa in dhibaato kastaa tahay mid ku-meel-gaadh ah, haddii aan samirno oo Ilaahay talo saaranno, wuu inaga saari doonaa dhib kasta oo aynu ka cabanayno.

Mararka qaar, waxa laga yaaba in aad nolosha u aragto mid aan caddaalad ahayn, dhibaatooyinkuna waa badan karaan. Laakiin aayaddani waxay innoo sheegaysaa in Ilaahay marnaba aannu luminayn ajarka qofka samaha fala. Xaalad walba oo adag, waxaa muhiim ah in la xasuusto in abaalmarinta dhabta ah ay sugayso kuwa samra ee Ilaahay talo saarta, iyaga oo hadalo gef muujinaya ka Ilaalinaya afkooda.

Akhriste si looga faa’iido adiguna maxaad ka fahantay Aayadan?

RAMADAAN WANAAGSAN – Ilaahay khayrkeeda ha inna siiyo.
W/Q: Mustafe Aadan Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here