Hargeysa, (HargeisaPress) — Marar badan baa xadhig iyo maxkamadayn lagula kacaa suxufiyiinta Somaliland iyada oo la adeegsanayo Xeerka Ciqaabta. Inta badan waxa lagu eedeeyaa af-lagaado ama faafin war been ah ama la buun buuniyay. Qodobadaas oo ku jiraa Xeerka Ciqaabta. Suxufiyiinta iyo difaacayaasha xuquuqal insaanku waxay ku doodaan in la joojiyo dacwadaha ciqaabta ah ee la daba qaado suxufiyiinta islamarkaana la dabaqo Xeerka Saxaafadda. Dhinaca kale, saraakiisha dawladdu waxay inta badan ku doodaan inay tahay daruuri in la dabaqo Xeerka Ciqaabta.
In labada dhinca la isugu keeno hal miis si ay qaab degan uga wada hadlaan arinka waxay gacan ka gaysan kartaa in xal loo helo dhibaato mudo dheer bar madow ku ah diiwaanka xuquuqal insaan ee Somaliland. Sidaasdarteed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay 8dii ilaa 9kii November ku qabatay Hargeysa kulan wada hadal ah oo ay isugu yimaadeen daneeyayaasha muhiimka u ah xorriyadda hadalka oo ay ka mid yihiin suxufiyiin, qareeno, xeer-ilaalin, arday dhigata sharciga iyo kuwo dhigta saxaafadda iyo aqoon yahan jaamacadeed.
Khuburadii ka soo qaybgashay waxay soo bandhigeen gorfayn qoto dheer oo sharci, xaqiiqo iyo deegaan. Waxa la isla eegay shuruucda Somaliland iyo kuwa caalamiga ah ba.
Maxamuud Xuseen Faaraxa oo ah hormoodka kuliyadda qanuunka ee Jaamacadda Hargeysa ayaa ka hadlay arimaha sharci ee la xidhiidha ciqaabista saxaafadda. Wuxuu tilmaamay muhiimadda ay xorriyadda saxaafadda iyo hadalku ay leeyihiin sida ku cad dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ah ee ay ka mid yihiin Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka. Si loo ilaaliyo mabaadidaas waxa muhiim ah ayuu sheegay in la qaato siyaasad lagu joojinayo ciqaab saarista saxaafadda.
Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa isna la wadaagay ka soo qaybgalayaasha khibradiisa balaadhan ee uu u leeyahay saamaynta xun ee ay ku yeelan karto ciqaabtu in suxufiyiintu ay u gutaan shaqadooda si haboon. Xuuto oo ah tafatire isaga laftiisa hore dacwad ciqaab ah loogu soo rogay oo loo xidhay, wuxuu tusaaleeyey sida dacwadaha ciqaabta ahi ay xanibaad ugu yihiin inay suxufiyiintu go’aan qaataan iyaga oo aan cabsi ka qabin xadhig ama dacwad oogis. Wuxuu taageeray in la fuliyo Xeerka Saxaafadda si loo horumariyo war-baahinta Somaliland.
Qaar ka mid ah ka soo qayb-galayaasha ayaa sheegay in Xeerka Saxaafaddu aanu dhamaystirnayn. Waxayna ku doodeen in hadii aan wax laga bedelin Xeerka Ciqaabta ama la laalin ay adag tahay sida loo joojin karo sharci ahaan ciqaabta la saaaro warbaahinta. Sidoo kale waxa la isla faaqiday dhinaca anshax wanaagga iyo xirfadda wanaagsan.
Ciqaabta la saaro war-baahinta waa dhaqan caqabad ku ah xorriyadda war-baahinta. Sidaasdarteed, in la joojiyo ciqaabtaas waxay muhiim u tahay xorriyadda warbaahinta iyo in laga ilaaliyo warbaahinta inay iyagu isku soo rogaan faaf reeb (self-censorship). Maadaama oo ay Somaliland tahay dal dimoqraadi ah oo leh dastuur damaanad qaaday xuquuqda dadka, waxa haboon oo shardi ah in Somaliland aqbasho oo ay dabaqdo siyaasad lagu joojinayo ciqaabta war-baahinta.
Wada hadalada, doodaha iyo ra’yi is waydaarsiga ku aadan mawduucani wuxuu noqon doonaa kuwo sii socda si dhinacyadu isu fahmaan, korna loogu qaado wacyi gelinta.
Ardayda iyo aqoon yahanka jaamacadaha ayaa gaar ahaan lagu dhiirigeliyay inay sameeyaan cilmi baadhisyo ku aadan arinkan si qaab cilmiyaysan loogu faaqido.
Hana Abdisalaan Mohamed
Gudoomiye ku-xigeen Xarunta Xuquuqal Insaanka
https://www.facebook.com/HumanRightsCenterHargeisaSomaliland/
Email: hana.mohammed253@gmail.com or hrcsomaliland@gmail.com
Website: www.hrcsomaliland.org