Ciidanka Ilaalada Cashuuraha oo baaq u jeediyay Xisbiyada iyo Ururrada

0
1035

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidanka Ilaalada Cashuuraha oo kaashanaya Wasaaradda Maaliyadda  Somaliland oo wadda ololaha cashuur ururinta, ayaa ku baaqay in Baabuurta loo adeegsanayo ololaha doorashooyinka ururada iyo asxaabta qaranka in ay noqdaan baabuur cashuuran isla-markaana ay u dhanyihiin sharciyadu sida Cashuurta iyo liisamada waddo marista ee wadayaasha gaadiidka kala duwan.

Waxay sheegeen in looga baahan yahay gaadiidkaasi in loo dhamaystiro sharciyada. Waxa kale oo ay bulshada ugu baaqeen in ay soo bixiyaan cashuurta.

Taliyaha ciidanka illaalada cashuuraha Gaashaanle Sare Saleebaan Ducaale Warsame, ayaa fariin u diray dhamaanba bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa Gaadiidlayda, urrada iyo asxaabta Qaranka.

Fariinta uu Taliyaha Ciidanka illaalada Cashuuruhu diray u  dhignayd sidan.”Fariintaydu waxay sigaara u khusaysaa, Xisbiyada iyo Ururrada, waxan leeyahay maadaama aad ollole ku jirtaan oo taageerayashiina cuddudooda aad hadba meel isugu keenaysaan, Gaadiidka soo qaadayaa ee goobaha loo asteeyey keenayaa waa in ay noqdaan gaadiid sharcigu u dhan yahay, hadhaw haku cabanina taageerayaashayadii ayaa la xanibay”.

Gaashaanle sare Saleebaan, ayaa carabka ku adkeeyey in aan urrada iyo Xisbiyadu  dhayalsan fariinta ay u direen isla markaana ay ku dhaqmaan, waxa kale oo   uu ugu baaqay in ay gaadiidka qaadaya taageerasha inta aanay kiraysan ay iska hubiyaan in ay u dhamaystiran yihiin sharcidaya wada maristu.

Waxa kale oo uu fariin udireen Basaska, Tagaasida qaada Ardaydu in ay noqdaan qaar ay u dhamaystiran yihiin sharciyada waddo marista iyo Liisamada wadayaashu.

Gaba-gabadii waxa isna halkaasi ka hadlay Taliyaha ciidanka laanta cashuuraha ee gobolka Maroodi-jeex Dhamme Cabdiraxmaan Baashe Maxamuud oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in madaama cashuurtu tahay laf-dhabarta Dawladnimada shacabka reer Somaliland ay soo bixiyaan cashuurta, wadashaqaynta ay shacabku la leeyihiin Ciidamada illaalada cashuuraha na ay sii laba jibaaraan.

Waxaanu yidhi.”Waxan ogaysiinaynaa madaama uu sanadku yahay gabogabo,cidkasta oo ay ku baaqdeen Cashuuraha Kala gaddisani, haday tahay waddo maris, macaash-macaashka iyo cashuurta iibka (GST) Muwaadin waxan ku sheegaynaa in aad iska soo bixiso.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here