Ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland oo tababar loogu soo xidhay Itoobiya

0
5769

Hawassa (Hargeisa Press)- Dufcadii ugu horaysay ee ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland, ayaa tababar loogu soo xidhay magaalada Hawassa ee dalka Itoobiya.

Tababarka, ayaa lagu baranayay mowduucyo kala duwan oo ay ka mid yihiin ka hortagga rabshadaha, la dagaalanka argagixisada iyo ilaalada madaxda.

Dufcadan tababarka loo soo xidhay ee ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland, ayaa kooban 230 askari.

Waxaa barnaamijka si rasmi ah u soo xidhay Gudoomiyaha Jaamacadda Booliska Itoobiya  Deputy Commissioner General Mesfin Abebe iyo Hogaanka Tababarka Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdi Axmed Tiir.

Waxaana sidoo kale goob joog ahaa xidhitaanka tababarka, Saraakiil sar sare oo ka tirsan labada Ciidan ee Somaliland iyo Itoobiya.

Tani waxay bilow u tahay xoojinta wada shaqaynta iyo tabobarrada dhinaca amniga ee u dhexeeya Ciidanka Booliska Somaliland iyo Ciidanka Booliska Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here