Ciidamo Boolis Ah oo La Wareegay Xarunta Telefiishanka Star Ee Hargeysa

0
1637

Hargeisa (Hargeisa Press) – Warar xogogaal ah oo hada na soo gaadhaya ayaa waxaa ay sheegaya in Ciidamo Boolis ahi ay la wareegeen xarunta Telefishanka Madaxabanaan ee StarTv ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska ee qabsaday xarunta Telefishanka Star ayaa markii ay halkaasi gaadheen waxa ay dibada uga soo saareen shaqaalihii.

Warar ay helayso Warbaahinta Hargeisapress ayaa waxaa ay sheegaya in ciidamada Boolisku aanay sidan wax Waaran ama Amar Maxkamadeed ah oo u ogolaanaya inay xidhaan telefiishankaasi.

Telefishanka Star ayaa ka mid ah Telefishanada ka hawlgala Somaliland, hase yeeshee Ilo wareedo aanu helayno ayaa sheegaya in telefishanka Star iyo Telefishan kale ay diideen inay si toos ah u tabiyaan xuka 26-ka June oo ku beegan 60-guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 1960-kii.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here