Ciidamada Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Nin La Sheegay Inuu Habeen Hore Dil Ugu Gaystay Magaalada Hargeysa nin Ganacsade Ah

0
777

HARGEISA , (HargeisaPress) —Ciidamada qaranka Somaliland ayaa gacanta ku dhigey nin la sheegay inuu gacan-ku-dhiigle yahay isla markaana ahabeen hore dil ugu geystey magaalada Hargeysa gudaheeda ALLE ha u naxariistee Marxuum Cismaan Daahir Muslim oo ka mid ahaa Ganacsatada magaalada Hargeysa.

 

Ganacsadahan ayaa IHUN waxaa diley nin lagu magacaabo Dayib Cabdi Faarax oo ay ciidanka Boolisku gacanta ku soo dhigeen habeen hore,markii uu dilka geystey kaddib.

 

Illaa hadda lama garanayo sababta uu eedeysanahani uu u diley ALLE ha u naxariistee Marxuum Cismaan Daahir Muslim oo ka mid ahaa Ganacsatada magaalada Hargeysa.

 

Waxaana wali ay ciidamada qaranka Somaliland ay ku daba jiraan ciidi ka danbayysa dilka ninnka ganacsada ah.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here