Laascaanood (Hargeisa Press) – Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay maanta guulo waa weyn ka gaadheen weerar gaadmo ah oo kaga yimi kooxaha Huwanta Argagixisada ah ee ku sugan gudaha magaalada Laascaanood.
Dagaalka maanta oo galay laba todobaad, ayaa waxaa dagaal khasaare ba’an sababay ka dhacay fadhiisimada Guutada 7-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland.
Hoggaanka hawlgelinta Ciidamada Qaranka Somaliland, ahna Af-hayeenka Ciidamada Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan (Cabdi Dheere), ayaa ka warbixiyay dagaalkii maanta dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ku soo duulay magaalada Laascaanood.
General Cabdi Dheere, ayaa waxaa uu sheegay in Kooxihii Argagixisada ahaa ee weerarka gaadmada ah soo qaaday ay ku jabeen dagaalka, islamarkaana jab aad u culus la gaadhsiiyay.
Waxaanu intaas ku daray Taliye Cabdi Dheere in xabad-joojintii ay Xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday ay Kooxahaasi argagixisada ahi jabiyeen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland weli is xakamaynayo, oo uu ixtiraamayo xabad-joojinta Xukuumadda, balse ilaa hadda aanay Kooxahaasi Argagixisada ah ee ciidanka weerarada ku soo qadayaa aqbalin.
Dhinaca ke, Dagaalka dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Kooxaha Argagixisada oo socday subaxnimadii saaka ilaa galabta, ayaa waxaa ay Ciidamada qaranka Somaliland ka gaadheen guulo waa weyn, iyagoona cagta mariyay Kooxahaasi weerarka gaadmada ah ku soo qaaday Ciidamada Qaranka.
Waxaana kooxahaasi Argagixisada ah soo gaadhay khasaare ba’an oo aad u xoogan, iyadoona ay Ciidamada Qaranka Somaliland ay kooxahaasi ka qabsadeen Baabuur Tikniko ah, Hub tiro badan iyo Maxaabiis, halka intoodii kalena ay baxsadeen oo firxadkii magaalada ka baxeen.
Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa waxaa ay sidoo kale khasaare aad u culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaadhsiiyeen kooxahaasi Argagixisada ah, iyagoona dagaalka kaga dilay ciidan aad u tiro badan oo ay adag tahay inay ka soo kabsadaan.
Waxaana goobihii uu dagaalku ka dhacay wadhan Meydadka Kooxihii xagjirka ahaa, ee ay Ciidamada qaranka Somaliland ku laayeen.
Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa la wareegay Guud ahaan gacan ku haynta magaalada Laascaanood, iyadoona ay ciidanku magaalada ka saareen Kooxihii Argagixisada ahaa ee duulaanka ku soo qaaday magaalada.