Aksum (Hargeisa Press) – Ciidamada Itoobiya, ayaa weerar ku qaaday cisbitaal ku yaalla waqooyiga magaalada taariikhiga ah ee Aksum ee gobalka Tigray, iyagoo baadi goobaya xubno katirsan kooxda TPLF .
Ciidamada, ayaa qoryo ku qabtay dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha caafimaadka waxayna su’aalo weydiiyeen bukaannada dhaawaca ah, waxaa sidaasi wakaaladda wararka ee AFP u sheegay shaqaalaha caafimaadka oo magacyadooda qariyay.
Sidoo kale, askarta ayaa dadka dhawaacayada qaba ka qaadayay faleebooyinka ku xidhnaa iyagoo dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha ku cabsi galinayay qoryaha.
Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, oo taageerta cisbitaalka, ayaa xaqiijisay dhacdadan, war ay soo saartayna waxay ku sheegtay in askartu ay cabsi galiyeen shaqaalaha isla markaana ay u hanjabeen.
“Waxaan aad uga walaacsan nahay xadgudubyada joogtada ah ee kooxaha hubeysan ay ku hayaan howlaha caafimaad,” ayaa lagu yidhi warbixinta ay soo saartay MSF.
Raiisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sanadkii hore amar ku bixiyay in weerar lagu qaado gobolka Tigree kadib markii dagaalyahannada kooxda TPLF ay weerareen fadhiisimo milateri oo ay ku sugnaayeen ciidamada federaalka Itoobiya.
Isku dhacyadaas oo muddo socda, ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof tiro intaasi ka badana way ku barakaceen.