Ciidamada Booliska Somaliland oo xidhay dad iibsanayay kaadhadhka codeynta

0
1950

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa waxaa ay xabsiga u taxaabeen eedaysanayaal dadka shacabka ah ka iibsanayay kaadhadhka codeynta ee lagu gelayo doorashooyinka.

Qoraal ay Ciidamada Booliska Somaliland soo saareen maanta, ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay soo qabteen sagaal eedaysane, kuwaas oo ku hawlanaa iibsashada kaadhadhka codeynta.

Ciidamada Booliska oo sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen magaalada Hargeysa, ayaa iibsashada kaadhadhka codeynta ku tilmaamay xadgudub baal-marsan xeerarka Somaliland iyo anshaxa guud ee doorashada.

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa waxaa ay sheegeen in dhammaan eedaysanayaasha si degdeg loo horgayn doono ha’yaddaha garsoorka.

Qoraalka ka soo baxay ciidamada booliska ayaa “bulshada uga digayay falalka noocaasa, waxaana qof kasta oo lagu qabto fal dambiyeedkan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.”

Arrintan, ayaa imanaysa xilli guud ahaan Somaliland uu ka socdo diyaar garowga doorashada la filayo in ay berito dhacdo, taas oo ah laba doorasho oo isku sidkan.

Cod bixiyayaasha, ayaa u kala codeynaya doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka oo ay ku tartamayaan murashaxiin ka kala socota xisbiyada KULMIYE, WADDANI iyo UCID, iyo doorashada ururrada oo toban urur laga doonayo in ay ka soo baxaan sedex xisbi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here