Hargeisa (Hargeisa Press) – Ciidamadda booliska Somaliland ayaa waxa ay maanta xabsiga u taxaabeen qaar ka mid ah Arday waxka barta Dugsiga Salaama ee magaaladda Hargeysa.
Ardaydan ay ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen ayaa waxa ay tiradoodu ahayd sideed Arday.
Waxanay Ardaydani ay qorsheynaayeen in ay dibad-baxyo ka sameeyaan iskuulka Salaama, iyadoona kadib ay ciidamada ammaanku qab-qabteen, sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Amniga Somaliland, Naasir Caydiid Maxamed.
Wasiirku wuxuu sheegay in ay ogaadeen dhalinyaradan oo isku abaabuleysa WhatsApp Group, kadibna xabsiga loo taxaabey, islamarkaana Sharciga la hor geyn doono.
Todobaadkan ayay ahayd markii Ardayda Dugsiga sare ee Salaama ee Wiilasha u gaarka ah ee magaalada Hargeysa ay sameeyeen bannaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Amarro Maamulka Iskuulkaasi ku soo rogay, iyadoona ay sidoo kale Ciidamadda Boolisku xabsiga u taxaabeen maamulaha Dugsiga Wiilasha ee Salaama.
Hargeisapress Desk