Hargeysa (Hargeisa Press)- Xoghayaha guud ee aqalka golaha Guurtida Somaliland Cabdinaasir Beegsi, ayaa waxaa uu ka hadlay Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Xoghaya guud ee golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa uu ugu horayn uu boggaadiyay qaabka uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u soo xulay golaha Xukuumaddiisa cusub.
Sidoo kale, Xoghayaha ayaa waxaa uu fariin u diray Shaqsiyaadka kala duwan ee saluuga ka qaba qaabka uu Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro u soo dhisay golehiisa Wasiirrada.
Xoghaye Beegsi, ayaa waxaa uu sheegay in cidii saluugta golaha xukuumadda la-dhisey, ay doonayaan sad aanay lahayn, islamarkaana ay ku gancaan oo ay soo dhaweeyaan.