Cali Khaliif Iyo Cali Ciise Oo shalay Diyaarad Kaga Qaaday Hargeysa La-Taliyaha Madaxweynaha Somaliland

0
1010

Hargeysa, (HargeisaPress) — La-taliyaha Madaxweynaha ee goboladda Bariga Fu’aad Aadan Cadde oo bil iyo badh ka hor uu gaadhi ku jiidhay Madaxtooyadda dhexdeeda, isla markaana jabniin ka gaadhay misigta hoosteeda, ayaa shalay diyaarad lagaga qaaday Hargeysa, loona duuliyay Addis-ababa.

Siday sheegeen warar uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo la socday xaalada caafimaad ee siyaasigaa dhaawacu gaadhay, Fu’aad Aadan Cadde wuxuu bil iyo dhowr iyo labaatan maalmood yaalay cusbitaal ku yaala magaalada Hargeysa, isla markaana waxay dhakhaatiirtu markiiba sheegeen in aan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban Karin, loona baahan yahay in loo qaado dhakhtar dibadeed. Hase yeeshee wararku waxay intaa ku dareen in aanay Madaxtooyadu xil iska saarin, daryeelka caafimaad ee la taliyaha.

Inkastoo la sheegay qadar 10 kun dollar ka yar oo lacag ah la bixiyay, haddana arrintiisu waxay u muuqatay mid dhanka madaxtooyadda laga iloobay, taasina waxay kaliftay inuu hadlo. Aakhirkii waxaa u soo gurmaday Siyaasiyiinta Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise Cabdi oo ay Fu’aad isku hayeen mab’da ahaan qadiyada Somaliland, isla markaana waxay  shalay ka qaadeen Magaaladda Hargeysa, waxaana loo duuliyay dhinaca Addis-Ababa oo looga sii gudbin doonno dalka Turkiga, halkaasoo lagu dawayn doono.

fuad aadan cade

Siyaasiga Cismaan xuseen Gurxan (kalash) oo ka hadlay fadeexadan ayaa yidhi, “Fu’aad Aadan Cadde oo madaxtooyadda dhexdeeda gaadhi ku jiidhay, madaxtooyadu way ku ceebaysan tahay. Bil iyo 25 cisho ayuu dhakhtarka yaalay, xitaa markii Siilaanyo odayaasha buka booqanayay isaga ismuu taagin. Waa la-taliyihii madaxweynaha oo madaxtooyadda dhexdeeda waxyeeladu ku gaadhay, raga taladu ku urursantahay ee ogaalka looga baahnaa, haday Madaxweynaha tahay, Gudoomiyaha guurtida, Xirsi, Maxamuud Xaashi iyo kuwa la mid ah ee talada gacanta ku haya, midna milgihii looga baahnaa ma samaynin. Sidii Qaybe oo la-taliye u ahaa Madaxweynuhu, dawo la’aanta iyo dar xumada ugu hoyday ee xabaashiisa la isugu dul canaantay, ayaa kana ku socday, Siciid Cali Giirna haysata, Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye-na caruurtiisu u qaaday”.

Wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “ Markaa maanta Cali Khaliif iyo Cali Ciise Cabdi inay fu’aad u soo gurmadaan oo diyaarad hargeysa kaga qaadaan Somaliland oo dhan bay ceeb ku tahay, siiba Madaxweyne Siilaanyo iyo maamulkiisu ayay fadeexad wayn ku tahay. Xilligii Cigaal iyo xiligii Riyaalaba waa loo sinaa, ogaalkooda birma gaydada dalkuna wuu sareeyay. Maxamed I. Cigaal, isagoo diyaarad fuulaya oo dibadda u baxaya ayuu u yeedhay M. Cabdulle Sakhraan oo ka mid ahaa haldoorka ummada, wuxuu saaray diyaaradii uu raacayay, masar buu geeyay, waxaanu ka dalbaday Madaxweyihii waqtigaa inuu u daweeyo odaygaa. Laakiin xukuumadda Siilaanyo ee maanta ogaalka malaha, looma sina ee taladdii reerka ahayd ee uu SNMba ku maamulayay, mar haddii Fu’aad Aadan Caddeba hiil ka waayay oo Cali Khalif iyo Cali Ciise diyaarad kaga qaadeen shalay madaarka Hargeysa.”

 

 

Ogaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here