Jawhar (HP): Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Hirshabeele.
Halka madaxweyne ku-xigeena loo doortay Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed).
Kadib doorasho ay maanta xildhibaanadda baarlamaanka Hirshabeele sameeyeen oo ka dhacday magaaladda Jawhar.
Taasoo natiijo aqlabiyad ah lagu kala baxay tartankii kuraasta madaxweynaha iyo ku xigeenka.
Waxaana kursiga madaxweynaha u tartamayay Cali Cabdullaahi Guudlaawe, oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka Hirshabeele, iyo C/raxmaan Jimcaale Cismaan.
Waxaana u codeeyay Cali Guudlaawe, 86 xildhibaan, halka murashax C/raxmaan Jimcaale Cusmaan na, uu helay 13 cod.
99-kii xildhibaan ee codeeyay.
Sida uu shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele C/xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, oo ku dhawaaqay natiijadda codbixintii xildhibaanada.
Sidoo kale kursiga madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele waxaa u tartamay Yuusuf Axmed Hagar (Dabo-geed), iyo Maxamed Maxamuud Cabdulle.
Iyadoo Yuusuf Dabo-geed uu helay 87 cod. Halka ninkii la tartamayayna uu helay 12 cod.
Geesta kale waxaa maalmahanba aad loo hadal hayay arrinta doorashadda maamulka Hirshabeele oo la sheegay in dawladda federaalka Soomaaliya ay farro gelin ku haysay.
Hase yeeshee, madaxweynaha la doortay ee Hirshabeele Cali Cabdullaahi Guudlaawe, oo doorashadiisa kadib hadlay ayaa uga mahad celiyay madaxda dawladda dhexe ee federaalka taageeradii ay siiyeen hanaankii doorashada Hirshabeele.
Wuxuu se iska fogeeyay in dawladda federaalka Soomaaliya ay wax gacan ah ku lahayd doorashadda
“Waxaan qirayaa haba yaraatee, in aanay jirin wax farro gelin ah oo ay dawladda dhexe ee Soomaaliya ku lahayd doorashadii dhacday ee Hirshabeele” ayuu yidhi Cali Guudlaawe.
Dhinaca kale waa madaxweynihii saddexaad oo uu yeesho maamulka Hirshabeele, kaasoo dhisnaa tan iyo sanadkii 2016-kii.
Sidoo kalena waa baarlamaankii labaad ee uu yeesho maamulkaasi.
Madaxweynaha cusub ee maanta la doortay Cali Guudlaawe, ayaa hore u soo ahaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeele.
Halka madaxweyne ku xigeenka isna maanta la doortay Yuusuf Dabo-geed uu soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.