Hargeisa (Hargeisa Press)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah Siyaasiyiinta waa weyn ee Somaliland ayaa ka hadley xaalada Soomaaliya, doorashooyinka ku soo fooleh iyo mudo xileedka Farmaajo ee gabogabada ku dhow.
Cali Gurey ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku socoto xaalad Midi Girgirkeed ah.
Siyaasi Cali Gurey ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay boga uu ku leeyahay Facbooga, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Soomaaliya xili wax badan oo qabyo ka ahi ay jiraan ayaa waxa kaabiga soo saaray Doorashadii Barlamanka iyadoo muddo xileedkii dawladdana ay ka hadhsan tahay wax ka yar 7 bilood iyo 2 todobaad. In kasta oo dadka qaar ay rumaysan yihiin in xukuumadda Madaxwayne Maxamed C/llahi Farmaajo intii ay jirtay guulo la taaban karo ka gaadhay arimo dhawr ah sida adkaynta nabadgelyada, horumarinta dhismaha haya’daha dawliga ah, xidhiidhka dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, iyo weliba dhinaca maaliyadda sida kordhinta miisaaniyadda iyo shaqo abuurkaba hadana waxa jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka baaqatay in ay dhamaystirto, gaar ahaan dhinaca arimaha siyaasadda gudaha siba hirgelinta nidaamka xisbiyada badan iyo qabashada doorashoon toos ah oo hal qof iyo hal cod ah, taas oo ah dhinaca uu hadda ka jiro khilaafka ugu wayn ee gudaha Somalia.
Xukuumadda Farmaajo, sida laga yaabo in ay naawilaysay haddii ay heli lahayd muddo kordhin ugu badnaan 18 bilood ilaa 24 bilood ah waxa laga yaabaa inay ku dhamaystiri kari lahayd hawlaha ka qabyada ah doorashada, laakiin waxa muuqata in taa loo dacareeyay oo ay ka go’an tahay mucaaridkiisa in xiliga doorashada aan hal maalin dib looga dhigi karin.
Sidaa daraadeed xeerka doorashada ee weli aan si buuxda loo dhamaystirin sharciyadiisa ayaa wax yar uun ka bedelan kii hore ee saami qaybsiga xildhibaanada ee 4.5. Dhinaca saami qaybsiga waxba lagama bedelin laakiin markan waxa soo gudbinaya inta ugu badan xildhibaanada cusub Dawlad Goboleedyada iyaga oo aah ka gudbayn saamiqaybsigii 4.5. Sida loo dhigay kaalintii hogaamiye dhaqaameedka lafteeda meesha lagama saarin laakiin halkii tooska ay ugu gudbin jireen markan waxay sii marinayaan Dawlad Goboleedyada oo dabcan ugu dambaysta ay baarlamanadoodu ansixinayaan ka dibna ay Madaxwaynayaashoodu gudbinayaan.
Hadaba taa lafteeda ayaa halisteeda yeelan karta marka laga eego dhinaca saamaynta tooska ah ee ay ku yeelanayso Dawlad Goboleedyada, doorashada lafteeda weliba taageerda musharixiinta u tartamaysa kursiga ugu sareeya ee Madaxwaynaha..
Marka aynu qiyaasayno tirada xildhibaanada ay Dawlad Gobaleedyadu soo kala gudbin doonaan waxa cad in aanay noqon doonin tirooyin isku mid ah ama isu dhaw ee ay noqonayaan “kaaf iyo kala dheeri”. Waxa muuqata in Dawlad Goboleedka ay ka iman karaan tirada xildhibaanada ugu badani, marka loo eego kuwa kale, uu noqdo doono Koonfur Galbeed oo qiyaastii heli kara ilaa 70 Xildhibaan ama ka badan. Tirada labaad ee ugu badan ayaa noqonaya Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo iyaga aan Dawlad Goboleedyo ka imanayn ee hab gaar ah Muqdisho loogu dooran doono, tiradooduna ay gaadhayso 60 xildhibaan. Marka la isku daro xildhibaanada Koonfur Galbeed iyo kuwa Gobolada Waqooyi ayaa keligood noqonaya wax ku dhaw kala badh tirada guud ee Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamanka cusub hadii qorshahani hirgalo.
Dawlad Goboleedyada ka soo horjeeda qorshahan waxa kow ka ah Puntland oo uu ku yeelanayo saamaynta ugu wayn marka 15 xildhibaan oo ay tirsanaysay laga reebo ee lagu daro kuwa Gobolada Waqooyi (Somaliland). Markaa hadii qorshahani socdo waxa laga yaabaa ininta u soo hadhaysa Puntlandba aanay ka badnaan 10 xildhibaan, iyadoo ah Dawlad Goboleedka ugu da’da wayn Somalia.
Dawladda Gobaleedyada Galmudug, Hirshabeele, iyo Banaadir ee degaanka Magaalo Madaxda Muqdisho marka la isku wada daro qiyaastii ilaa 100 xildhibaan wax ku dhaw ayaa laga yaabaa in ay ka soo baxaan. Qiyaastii ku dhawaad 30 xildhibaan waxa laga yaabaa in Jubbaland ay hesho.
Marka ay tahay musharixiinta u tartami doonta jagada madaxwaynaha codka lagu kala badin karaa waxa suurtogal ah in uu noqdo 130ka cod ee Koonfur Galbeed iyo 60ka cod ee Gobolada Waqooyi balse waxay ku xidhan tahay in la ogaado labada musharaxa ee ugu fadalada cadcad ee isku soo hadhi doona ugu dambaysta. Kuwa taageersan xukuumadda Madaxwayne Farmaajo iyagu waxay qabaan in Farmaajo uu heli karo tirada ugu badan oo aanay ka leexan doonin xataa tiro gaadhi karta 30 cod. Laakiin taasi malaha waa inta dhinaca mucaaridka aanu ka soo bixin musharax keliya oo ay isku raacsan yihiin. Taageerayaasha Farmaajo marka ay sheekaynayaan waxa ka mid ah kuwo rumaysan in muddadii ay Xukuumadda Farmaajo xilka haysay uu jiray horumar ilaa iyo xad dhinaca nabadgelyada iyo weliba waxqabadyo la taaban karaa, sidaa darteedna aan xiligan isbedelku haboonayn ee in hawsha halkii laga sii wadaa ay ka fiican tahay.
Markaa kuwaasi waxay doorbidayaab (continuity) si loo dhamaystiro hawlaha ka dhiman in la gaadho doorashooyin toos ah oo xor iyo xalaal ah oo ay filayaan in la beegsan karo hadii fursad kale la siiyo Farmaajo, in kasta oo aanay hore u dhicin haddana ay adag tahay in Madaxwayne mar la doortay mar labaad uu helo fursad kale.
Dhinaca kale mucaaridka Farmaajo waa xoog marka shakhsiyaadka la eego oo magacyo caan ah siyaasadda Somalia ayaa ku jira. Kuwa hormoodka ka ah qaarkood waxay hore u soo qabteen xilalka ugu sareeya sida Madaxwaynaha iyo Raiisul Wasaaraha. Balse waxay tahay dhibaatadoodu ilaa hadda waxa keliya ee ay ku midaysan yihiin waa FARMAAJO HA TAGO. Laakiin sidii uu ku tegi lahaa iyo qofkii bedeli lahaa waxad moodaa in aanay garanayn ama isku raacsanayn.
La soco….