Bal Diwaanka Dib U Yara Baadha

0
1658
Tifaftiraha wargeyska Jamhuuriya Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Waxa aan ogaaday in dadka ugu badan ee ku doodi jiray in aan la carqaladayn isu-socodka bulshada, Xukuumadda Somaliland-na ku cambaarayn jiray marka la xidho fanaaniin Xamar ka soo heesa ama qof gashaday calanka Soomaaliya, kuna doodi jiray in qarannimada Somaliland tahay masiir shacbi oo aanay ahayn beed jabaya ama ay waxyeeli karaan shaqsiyaad Muqdisho tegay, ay haddana maanta yihiin dadka ugu badan ee ku doodaya in heshiiska is-dhexgalka iyo isu-socodka bulshadu uu yahay mid wiiqaya qarannimada Somaliland, kuwaas oo Xukuumadda ku eedaynaya heshiiskaas.

Qoladaasi ma hadda ayey khaldan yihiin mise waxay khaldanaayeen markii hore ee ay difaacayeen in aan la siyaasadayn isu-socodka dadka? Ma waxa weeyaan dad mabda’oodu yahay inay mar walba dhinaca mucaaridnimada u janjeedhaan oo way mucaaridayaan haddii la saxo wixii ay shalay diidanaayeen? Shalay iyo maanta miyaanay isla iyagii uun ahayn, mise waxay kolba la dhashaan xaaladda taagan oo dabaysha ayaa kolba dhinac u leexisa? Anigu waxa aan mar walba aaminsannahay in qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay mid dastuuri ah oo gacanta ugu jirta shacbiga Somaliland, cid kale oo beddeli karta ama meel kale u iib-gayn kartaana aanay jirin.

Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu waxay u shaqeeyaan, oo awooddaas u wakiishay shacbiga, wixii dastuurku u gaar yeelay shacbigana cid kale ma beddeli karto. Somaliland waa shacbiga, shacbiguna waa Somaliland. Qolooyinka dabayluhu ruxayaan arrintaas ha ogaadaan.

Qalinkii: Wariye Maxamed Cirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here