Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa waxaa uu maanta La-taliye sare u magacaabay Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa waxaa loo magacaabay La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha horumarinta dhaqaalaha, sida lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland.
Bayle, ayaa bartamaha sanadkii hore ee 2023 ku laabtay Somaliland, kadib muddo uu ka shaqeynayay dowladda federaalka Soomaaliya, xilligaasi oo cafis guud u fidiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa kadib markii uu ku soo laabtay Somaliland, waxaa uu ku biiray Xisbiga Waddani ee haatan talada dalka Somaliland majaraha u qabtay.
Siyaasigan, ayaa ah khabiir weyn oo ku xeel-dheer arrimaha dhaqaalaha, iyagoona la filayo inuu talooyin ku aadan dhaqaalaha siin doono Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.