Hargeysa (Hargeisa Press) – Siyaasiga Cabdillaahi Axmed Maxamed (Dahab), ayaa waxaa uu ka hadlay xilka qaadista uu maanta Xisbiga Waddani ku sameeyay.
Siyaasiga, ayaa sheegay in Khilaafka isaga iyo Xisbiga Waddani soo kala dhex galay uu ka soo bilaabmay Guul-daradii Xisbigaasi uu kala kulmay doorashadii Madaxtooyadda ee qabsoontay sannadkii 2017.
Cabdilaahi Dahab, waxa uu sidoo kale sheegay inay marin habaabin tahay Guusha ay sheegtaan Xisbiyada Mucaaridku inay ka gaadheen Doorashadii Shirgudoonka Gollaha Wakiillada , Waxaanu xusay in gollaha Wakiilladu u qaybsan yahay laba qaybood oo is le’eg taasina aanay noqon karin guul lagu faano.
Waxaa kale, oo siyaasigani sheegay in la garanayo Guddida fullinta iyo Gollaha dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye, hassayeeshee aan ilaa iyo hada la aqoon tirada gollaha dhexe iyo guddida fulinta ee xisbiga Waddani.
Siyaasi Cabdillaahi Axmed Maxamed (Dahab),waxa kale oo uu xusay inuu hore go’aan ugu gaadhay inuu ka baxo Xisbiga Waddani islamarkaana uu ku talo jiro sidii uu Urur Siyaasadeed u furan lahaa, isagoo intaas ku daray in aanay jirin inuu ku biirayo Xisbiga Kulmiye.