Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Oo Booqasho Ku Tegay Muqdisho

0
1085

Muqdisho (Hargeisa Press)- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo.

Kadib booqasho ay maanta magaaladda Muqdisho ku yimaadeen wasiirka iyo wefti ay hogaaminaynaysay.

Taasoo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisal Wasaare Rooble, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here