Cabdicasiis Lafta-gereen oo Maamulka Muqdisho ku eedeeyay inay-ku gabanayaan waddaniyad beena

0
1585

Baydhaba (Hargeisa Press)- Madaxwaynaha maamul goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Lafta-gereen, ayaa ku eedeeyey maamulka Muqdisho inay ku gabanayaan waddaniyad been-been ah.

Cabdicasiis Lafta-gereen, ayaa hadal uu ka jeediyay magaalada Baydhaba oo lagu soo dhaweeyay, wuxuu xusay in Maamulka Muqdisho ay ummadda ku marin habaabinayaan wax ay ugu yeedheen “waddaniyad iyo midnimada dalka” oo afka baarkiisa ah.

Hoggaamiyaha Koonfur galbeed wuxuu ammaan ballaadhan u jeediyay 25 Xildhibaan oo ka soo jeeda deegaankiisa oo ka tirsan Baarlamaanka Muqdisho, kuwaasi oo dhawaan taageeray in ciidammada Itoobiya ay sii joogaan gobollada ay metalaan, isla-markaana si adag uga horymid qorshaha Maamulka Muqdisho ay dalkaas ku keenayso ciidammada Masar.

Waxa kaloo uu tilmaamay in hanjabaada iyo eedaha siyaasadeed ee maamulka Muqdisho u jeedinayo shacabka iyo madaxda  koonfur galbeed ay wax u dhimayso midnimada Soomaaliya.

Maamulka Xasan Sheekh, ayaa wajahaysa marxalad adag, iyadoo ay kala xidhiidh furteen inta badan maamul goboleedyada dalkaasi.

Siyaasiyiin waaweyn oo ka soo jeeda Soomaaliya, ayaa indhawaaleba  ku eedeynayey maamulka Xasan Sheekh Maxamuud in lagu hungoobay ballan-qaadyadiisii kuwajanaa adkaynta nabada, isla markana ay xukuumadiisu ku lug yeelatay dagaalo qabaa’il ku diriray gobollada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here