Buuq iyo Sawaxan Hadheeyay Fadhigii Golaha Guurtida Somaliland

0
676

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Fadhigoodii maanta ay ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa, waxay ku diideen inay guda-galaan doodda Xeerka kala-xadaynta gobollada iyo degmooyinka oo dhawaan Golaha Wakiillada ansixiyey islamarkaana u soo gudbiyeen.

Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhiga guddoominayey, ayaa soo jeediyey in la gudo-galo doodda Xeerka, hase-yeeshee, inta badan Xildhibaannada, ayaa diiday in la bilaabo doodda xeerkaas.

Xildhibaanada ayaa ku dooday inaanay wakhti ku filan u helin wali soo eegistiisa, waxaanu guddoomiyuhu buuq iyo qaylo ay Mudanayaashu la oogsadeen ka dib ku war-geliyey golaha in maalinta Sabtida ee toddobaadka soo socda la bilaabo doono doodda Xeerka, sidaasna uu fadhigu ku xidhan yahay.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here