BURCO WAA HOOYADDA HALGAMAYAASHA WAY OGTAHAY MUJAAHID MUSE BIIXI, SIDAASAY CIIDII BURCO LA DHAQAAQDEY.

0
937

Guutooyinkii ciidankiyo, geeshashkii samatar

Faqashtii waxay geysatiy,gabiyow kooxdiisi
Gumaadk iyo xasuuqay faleen,Gaani iyo Moorgan
Gasiiriyo barbaartii la dhigay,xalane geestiisa
Guurtidii Burcee lagu dhugtamey,gobabka baashooda
Gardarrada dalluuntiyo raggii,loogu guray ceelka
Eaa Gebiley lagu xaaqay may,galabsan eedaase
Garoonkiyo madaarkii Berbera,gooddiyada xeebta
Gowraca intii lagu marshaan,laga gedoonayne.
Halganka tariikhda Burco waa mid aan xalkan lagu soo koobi karin Gumaysigii ingiriiska ee ina qabsadey 1884,Burco waxay ahayd horyaalkii ka dhiidhiyey waa Skeekh Bashiir ,Farax Omar iyo rag badan,Neero ilahay how naxariistii waa ragii loogu hor toogtey.
Halgankii dib iska xoreynta FAQASHTA waxay Burco ka ahayd hooyadda caruurteedii halganka u dirtey waad la socota in burco degaalkii ugu horeeyey ee gudaha lagu soo galo iyadu kow ka ahayd 27 may 1988`.
Xaqiiqda iyo tariikhda ayey reer burco ogyihiin in Musharax Muuse Biixi Cabdi uu yahay ragii maalintii ay u xumeyd ee 1981 ilaa 1991 Somaliland ragii naftooda u hurey halgankii qadhaadha ee Siyaad Bare iyo qoleysatadii xamar.
Burco waxay ogyahay inuu Mujaahid Muse Biixi uu yahay GEESI U SOO GEED FADHIISTEY INUU GOBANIMO GUURSADDO March 2016 iney siyaana way ka go’an tahay.
Burco waa ogtahay inuu Muse Biixi yahay naftii hure dadkiisa iyo dalkiisa u soo halgamey ilaahayna anu tiisa ka dhigin sidii mujaahidiintii shahiidey,ee uu yahay far ku tiriska nool maanta,kolka haduu ilaahay siiyey inuu isa soo sharaxo madax weyne, Burco waa og tahay cid kaga habooni inaaney jirin.
Mujaahid Muse Biixi waa ragii baabiyey cidinkii ugu xooga weyna Africadda wadow,qori AK ah ayuu ka hortey ciidankii 26 ee quwadda weyna.
Mar haddaan hengelo dhigay-Dhimashana ka wada simay
Dhabar iyo ragna is baray-Allaylehe kar baa dhacay’
Allaylehe dheg-xumadii-Dugatana ba daacdee
Bogaa rag uga dhiidhiyey-Bagaa la isu jilib dgigay
Wixii la is-dhacsiiyiyo-Bagay dhicisay beentii.
Hubka dhuunta ka onkoda – Iyo dhagarta miinada
Bogaa dhabar-adayga- Sabraay jiibka laba-dhaca
Dhenged iyo amley iyo – Dhagax loogu babac dhigay!
Baga baga Jikraba dhacay – Baga baga dhoomahaan ridey.
Baga baga dhuunta la is mudey – Bagaa nabadda dhaawacan
Cirka loogu xero dhigay – Ninkii dhaartay ee yidhi;
Haddan dhigo xilkaan sido – Yaa u dhiibanaysaan
Ninkii dhaarta mari jirey – Ma ka dhabaqday xaajadu?
Sabraay jiibka laba-dhaca
Umaadda waa ogtahay qof walba wuxuu galo,kolka muse maanta isaga ugu mudan in la doorto waayo labada kale ee la tartamaya naftooda u mey hurin se muse biixi naftiisa ayuu u huey Somaliland
Waxan ku soo gaba gabeynaya REER BURCO WAXAY YIDHAHDEEN XORIYO NIN GAYA HA GUURSADDO!!!!
KAASINA WAA MIJAAHID MUSE BIIXI CABDI.
Somaliland ha noolaato………Horena how socoto…..Amiin….Amiin.
Mahadsanid.
Mahad Ali-Salaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here