Warsaxaafadeed: Xukumadda Somaliland Oo Qisaas Fulisay

0
768

Hargeysa, (HargeisaPress) โ€” Waxa maanta la Qisaas lagu fuliyay saddex dambiile oo dhamaystay dhamaan Heererkii Maxkamadahaย  oo ay Xukumeen Maxkamadaha Madaniga ah ( Civilian Courts) isla markaana ay Dhaxladayaashiii dhiiga lahaa codsadeen in loo Qisaaso. Saddexdan dambiile laba ka mid ahi waxa ay ahaayeen Nin iyo Hooyadii ooย  ay ku Cadaatay in ay si badheedh ah u dileen islaย  markaana ku aaseen gurigooda ย Marxuumada Ruqiyaย  Siciida Ayaanle sanadkii 2014. Ninka Kalena ย waxa uu ahaa Nin ay ku cadaatay in uu si badheedh ah u dilay Marxuum kale, dilkuna waxa uu ka dhacay Gobolka Togdheer sanadkii 2014.

 

Qisaastan in la fuliyo waxa saxeexay Madaxweynaha JSL, ย waxaana Hubiyay Maxkamada Sare iyo Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka. Waxaana goob joog ka ahaa ย Eheladii wax loo qisaasayay. ย ย ย ย Dhinacakale waxa goob joog ahaa Hal Xeer-ilaaliye oo Ka socday Xafiiska Xeer ilaainta guud, Xubin ka socota Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo dhakhtar ka socdaย  Wasaarada Caafimaadka. Waxaana ka qayb Qaatay diyaarinta Wasaarada Cadaaladaย  isla markaana waxaa fuliyay Saddexda Ciidan Qaran ee JSL, Asluubta, Booliiska iyo Militariga.

 

Dadkii la qisaasayย  oo faahfaahsan waxa ay kala yihiin sidan:

 

  • Muuna Maxamed Cabdiilahi Daโ€™ada :ย  37 Sano
  • Maxamed Axmed Cabdi Daโ€™adย ย  : 21 Sano
  • Cabdalla Xasan Maxamed Daโ€™adย ย  : 30 Sano ย ย ย ย 

 

 

 

Allah Ayaa Mahada Dhamaanteed Iskal leh

 

Gudoomiyahah Maxkada Sare ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย ย  Xeer Ilaaliyahay Guud ee Qaranka JSL

Adam Xaaji-Cali Axmed ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย  ย Hasssan Axmed Adan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here