Burco (HP): Maxakamada racfaanka ee gobolka Togdheer ayaa saaka mar kale dil toogasho ah ku xukuntay ninkii lagu eedeyey inuu dilay Ugbaad Cali Cabdilaahi.
Waa markii labaad ee dil toogasho ah, lagu xikumo ninkan gabadha dilka u geystay.
Falka dilka ah ee gabadhaasi ayaa laba bilood ka hor ka dhacay magaaladda Burco.
Kadib markii sida la sheegay ninkan dilka lagu xukumay uu gabadha dilka i gaystay xili ay guri isku shukaansanayeen.
Waxaana la tilmaamay in ninku uu gabadha kufsaday kadibna uu dilay.
Iyadoo wararka qaarkood ay sheegayeen in xidhiidh wada sheekaysi uu ka dhexeeyay Wiilka iyo gabadha.
Dhinaca kale kiisaska dilka gabadhaha iyo kufsiga ayaa muddooyinkan danbe ku soo kordhayay guud ahaanba deegaamaaffa Soomaalida gaar ahaana Somaliland.
Waxaana kiisaskaasi ugu dambeeyay mid todobaadkan ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.