Burco: Caruur Walaalo Ah oo Ku Geeriyooday Dab

0
1072

Burco (Hargeisa Press)- Laba Caruura oo walaalo ah, ayaa maanta ku geeriyooday, dab ka kacay guri jiingada oo ku yaala xaafada Hodan ee magaalada Burco.

Caruurta, ayaa ahaa walaalo, sidoo kale caruurtaas, ayaa ahaa Curyaamiin, da’adooduna waxay u dhaxaysay 10 ilaa 11 sanno.

Ciidanka Dab-demiska ee magaalada Burco, ayaa waxaa ay gaadheen goobtaas iyagoona gurmad deg deg ahna u fidiyay. Waxaana ciidamadu dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna Maydka Caruurta laga soo saaray guriga oo dabku wada haystay.

Guriga, ayaa Jiingada markiiba dabku wada qabsaday kana kooban laba qol iyo barande, iyadoona ay Ciidanka Baadhista Boolisku ay la wareegeen baadhista kiiskaas, waxaana maydkii la gaadhsiiyay cisbitaalka Burco.

Ugu dambayn ciidanka Dab-demiska, ayaa waxaa ay fariin adag u direen bulshada Somaliland iyagoona uga digay inay ka digtoonaadaan wax kasta oo sababi kara dab.

Sidoo kale, ciidanka dab-demiska, ayaa waxaa ay waalidiinta fareen in aanay caruurta kaga tagin guryaha, taasoo waayadan dambe caruur badani ku geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here