Britain oo Safaaradeeda Tehran fureysa

0
1067

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxaa lagu soo warramayaa in Dawladda Britan ay todobaadkan dib u furi doonta safaraadeeda magaalada Tehran ee dalka Iran.

Waxaa la xidhay sanadkii 2011kii kaddib markii ay buuxiyeen, koox Iran ah oo mudaharadeysay dhismaha safaaradda iyo mid kale oo diblomaasiyiintu lahaayeen oo magaalada ku yiil, waxayna qaateen wixii dukuminti ahaa ee yiilay xafiisyada.

 

Britain ayaa xidhtay safaaradda Iran ee London iyadoo ka jawaabeysay taasna waxay eriday diblomaasiyiintii Iran.

Haseyeeshee, sida HargeisaPress,com ka soo xigtay BBC-da qaybta diba la hadasha Ma jiraan xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan dib u furista safaaradda Britain ee Tehran oo ka timid labada dowladood.

 

Bishii hore ayuu xoghayaha arrimaha dibadda Britain, Philip Hammond, ka hadlay rajadiisa in la furo safaradda Britain ee Tehran, markii Iran ay barnaamijkeeda Nukleerka kala heshiisay lixda quwadood ee dunida.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here