Boorama (HP): Ciidamadda booliska Somaliland ee gobolka Awdal ayaa maanta gelinkii danbe xidhay ilaa konton dhalinyaro ah.
Kuwaasoo la sheegay in ay qaarkoodna xidheen, kuwo kalena ay sawirro isaga qaadeen calanka Soomaaliya.
Dhalinyaradaasi oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho ayaa laga soo qab qabtay meello banaanka ka ah magaaladda Boorama iyo isla gudaha magaaladaasi.
“Ciidanka Booliska Gobolka Awal waxay xabsiga u taxabeen ku dhawaad kontan dhalinyaro(50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Soomaaliya.
Dhalinyaradan ayaa qaarkood ku labisnayeen calanka Soomaaliya, halka kuwa kalena muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaaladda Boorama”.
Waxa kaloo warka ka soo baxay taliska booliska Somaliland lagu sheegay in dhalinyaradaasi ay hada ku kala xidhan yihiin meello kala duwan, isla markaana maalmaha soo socda la hor gayn doono maxkamadaha iyo xeer ilaalinta dalka.
“Dhalinyaradan ayaa hada ku kala xidhan xabsiyada dalka, waxaana la hor gayn doonaa maxkamada iyo xeer ilaalinta, si ay uga gutaan waajibaadkooga”.
Geesta kale boolisku waxay sheegeen in dhalinyaradani ay dabadds ka riixayeen cid danno gaar ah leh, isla markaana xubnahaasi hagayay dhalinyaradda ay boolisku ku raad joogaan.
“Sida warar xogogaal ku helayaan laamaha amaanku waxaa dhalinyaradan dabada ka hagaaya cid dano gaara leh, cidaas hagaysana waanu ku raad joognaa degdagna waa loo soo qaban Insha Allaah” ayaa lagu yidhi warkaasi ka soo baxay xafiiska Warbaahinta
Ciidanka Booliska JSL.
Dhinaca kale warar aanu ka helnay dhacdadaasi ayaa noo xaqiijiyay in xubnahan dhalinyaradda ah ee la xidhay intooda badan aanay deegaan dhalasho ahaan ka soo jeedin gobolka Awdal.
Balse ay yihiin arday wax ka barta jaamacadaha magaaladda Boorama, kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo keedda koonfurta Soomaaliya iyo goboladda dhexe ee Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, dhacdadani ayaa ku soo beegmaysay dabaal-dega xuska 61 guurada ka soo wareegtay markiibay Somqliland xornimadeedda ka qaadatay mustacmaradii Ingiriiska sanadkii 1960-kii.
Iyadoo munaasibado maalintaasi lagu xusayay xalay ilaa maanta lagu qabtay magaalooyinka Somaliland.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.