Hargeysa, (HargeisaPress) — Boobe Yuusuf Ducaale, xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga Waddani, ayaa ku dooday inaanu Wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancadde ka mid ahayn dadka awoodda ku leh talada dalka, sidaas darteedna aanay aqbalayn soo jeedintiisii ahayd in mucaaradku ka soo qayb galo wada hadal guurtida lala galo.Wasiirka daakhiliga ayaa 12-kii bishan shir jaraa’id oo xarunta wasaaraddiisa uu ku qabtay waxa uu sheegay in xukumaddu mucaaradka ugu baaqayso gogol wada hadal oo aqalka guurtida lagaga dhaadhicinayo sidii loo hirgalin lahaa heshiiskii asxaabta qaranka iyo xukumadda ee ahaa in doorashada la qabto badhtamaha December 2016-ka lagana soo guuro wakhtiga guurtida ah March 2017-ka.Haddaba Boobe oo hadalkaasi jawaab ka bixinaya ayaa yidhi “Waxba nooguma baaqi karo, wax alaale wuxuu noogu baaqi karaana ma jiro oo Warancadde kuma jiro dadka ay wax ka go’aan ee dalkan ka taliya, markaa anagu uma baahnin cid farriimo noo soo qaadda. Arrintii muddo kordhinta iyo maalinta doorashadu waxay la taalaa madaxweynaha. Dalka laba madaxweyne kama taliyaan, dalka madaxweyne iyo guurti iyo madaxtooyo kama taliso, dadku wuxuu doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, go’aan ha ka gaadhaan” ayuu yidhi Boobe.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye oo shalay shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay Mucaaradka ugu jawaabayay ayaa sheegay in Mucaaradku aflagaado iyo cay ku hayo xukumadda, sidaas darteedna haddii ay dood hayaan ay ugu yeedhayaan inay doodo toos ah ugu yimaadaan si bulshadu isugu dhegaysato.
Boobe oo hadalkaasi maanta ka jawaabaya ayaa isna yidhi “Waxaanu arrintaas u aragnaa cid alliyaale cidii wax ka go’aan ee dadweynaha hortiisa imanaysa diyaar baanu u nahay, laakiin cid farriimo sidda diyaar uma nihin”
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com