Boko Haram oo dooratay Hoggaamiye Cusub iyo Qarax lagu Dilay 47 Ruux oo ka Dhacay Nigeria + SAWIRRO

0
1015

KANO, Nigeria , (HargeisaPress) — Kooxda ka dagaalanta dalka Nigeria ee Boko Haram ayaa Doortay Hoggaamiye cusub, sida uu BBC-da u Sheegay Madaxweynaha Dalka Jaad, Idriss Deby. Iyadoo Qarax ka dhacay Suuq ku yaalla dalka Nigeria lagu dilay in ka badan 47-qof.

Madaxweynaha Jaad ayaan sheegin waxa ku dhacay Hoggaamiyihii Kooxda Boko Haram Abubakar Shekau, balse wuxuu sheegay in kooxdu ay ku bedeshay Hoggaamiye cuusb oo lagu magacaabo, Mahamat Daoud, kaasoo aan horay loo maqlin.

Sh. Abubakar Shekau ayaan Dhawaanahan soo saarin wax Warbixinnadii Muuqaalka ahaa horay loogu aqoon jiray, iyadoo Warar la isla dhexmarayo ay sheegayaan inay dhici karto in la dilay.

Idrris Deby oo Ciidamadiisu ay Qayb ka yihiin Ololaha lagula Dagaallamayo Boko Haram ayaa hadalkiisa ku daray inuu wadahadallo nabadeed la furayo Mahamat Daoud.

Wariyaha BBC-da ee Nigeria, Will Ross ayaa sheegay in tan iyo sannadkii lasoo dhaafay uu Madaxweynaha Jaad uu sheegayay inuu Boko Haram kula hadlayo oo keliya Dagaal. Wuxuuna Wariyuhu intaas ku daray in su’aalo badan la iska weydiinayo sida uu ku helay warbixintan cusub ee Kooxdan Jihaad-doonka ah.

_84642727_nigeriaboko

Mr. Shekau ayaa xilka hoggaaminta kooxda Boko Haram la wareegay sannadkii 2009-kii, markaasoo Hoggaamiyihii iyo Aasaasihii Kooxdan Muhammad Yusuf lagu dilay Weerar ay kooxdu ku qaadday saldhig ay leeyihiin ciidamada Nigeria.

Intii uu Shekau Hoggaaminayay Boko Haram ayaa waxay kooxdu fulisay dhowr weerar oo ka dhacay gudaha dalka Nigeria iyo dalalka dariska la ah, kuwaasoo ay ku dhinteen dad fara badan oo shacab iyo askar isugu jiray.

Sidoo kale, Kooxda Boko Haram ayaa qarax ay ka geysteen Suuq lagu iibiyo Hilibka oo ku yaalla Gobolka Borno ee dalka Nigeria; iyadoo ay ku Geeriyoodeen 47-ruux, Sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 52-qof , Sida uu Sheegay Afhayeen u hadlay Millateriga Nigeria.

Horay ayaa dhowr jeer loo baahiyay inuu geeriyooday Abubakar Shekou, balse wararkaas ayaa mar dambe beenoobay. Balse Muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay kooxdu baahiso oo la sii daayay horraantii bishan ayaa waxaa kasoo ruux aan la aqoon oo dhallinyaro ah, kaasoo ku hadlayay magaca Hoggaamiyihii Kooxdan.

Qarax_ka_dhacay_dalka_Nigeria

Muuqaalkii ugu Dambeysay ee Hoggaamiyihii Boko Haram, Abuubakar Shekhau uu soo saaro ayay Kooxdu baahisay Bishii Maarso ee Sannadkan 2015-ka, kaasoo uu ku sheegay inay kooxdiisu ku biirtay Ururka Daacish ee ka Dagaallama Dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Cusub ee Dalka Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa Bishii la soo dhaafay ee July sheegay inuu Wadahadal kala galayo Hoggaamiyaha Boko Haram sidii loo sii-deyn lahayd in ka badan 200 oo Gabdhood oo iskuul ka dhiganayay Chiboko oo ay Kooxdu afduubatay bishii Abriil ee Sannadkii hore 2014-kii.

Ugu dambeyn, Horraantii Sannadkan ayay Ciidamada Jaad Door Wanaagsan ka Ciyaareen Dadaallada ay dalalka Gobolka Galbeedka Afrika ugu jiraan sidii Boko Haram looga saari lahaa deegaannada Waqooyi-bari Nairobi oo kooxdu ay awood badan ku leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Boko Haram ayaa la Aasaasay Sannadkii 2002-dii, iyagoo markiiba diiradda saaray sidii ay dalkaas uga joojin lahaayeen in wax lagu barto luuqadaha dalalka reer Galbeedka ah. Iyadoo Hawlgallada ay ka waddo Nigeria billowday Sannadkii 2009-kii.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here